Friday, April 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Axmed Cali Xaashi oo loo doortay Guddoomiyaha baarlamaanka Puntland

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Axmed Cali Xaashi oo loo doortay Guddoomiyaha baarlamaanka Puntland
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Axmed Cali Xaashi ayaa loo doortay Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland, kadib markii uu ku guuleystay doorashadii maanta ka dhacday magaalada Garowe ee xarunta gobolka Nugaal, kaasoo ay ku tartamayeen illaa saddex musharax.

Wareega kowaad ayaa waxaa ku tartamayay ilaa iyo saddex musharax kuwaasi oo kala ah Axmed Cali Xaashi, Cabdixakiin Maxamed Axmed iyo Saciid Samatar, waxaana wareegii kowaad ay codadka u kala heleen sidan

Related posts

Wasiirka Maaliyadda XFS oo khudbad ka jeediyay kulanka Bangiga Dunida ee Washington

Wasiirka Maaliyadda XFS oo khudbad ka jeediyay kulanka Bangiga Dunida ee Washington

April 17, 2026
Mas’uuliyiinta Buuhoodle oo u istaagay ciribtirka muqaadaraadka

Mas’uuliyiinta Buuhoodle oo u istaagay ciribtirka muqaadaraadka

April 17, 2026

Axmed Cali Xaashi oo helay 40 cod, Cabdixakiin Maxamed Axmed oo helay 19 cod iyo Saciid Samatar surcad oo isna helay 3 cod.

Axmed Cali Xaashi ayaa helay 41 cod wareegii labaad, halka musharaxii kale ee tartamayay uu isna helay Cabdixakiin Maxamed Axmed uu isna helay 22 cod, sidaasina waxa uu Axmed Cali Xaashi ku noqday Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Puntland, sida uu shaaciyay Guddoomiye ku-xigeenka baarlamaanka Puntland Cabdixamiid Sheekh Cabdisalaan.

Musharaxa laga guuleystay Cabdixakiin Maxamed Axmed ayaa ugu hambalyeeyay Guddoomiyaha cusub ee la doortay, waxaana uu xusay inuu ku faraxsan yahay habka ay u dhacday doorashada.

Waxaa uu noqonayaa Guddoomiyihii labaad ee Baarlamaanka Puntland, kadib markii 28-kii October uu Xilka Guddoomiyihii Baarlamaanka iska casilay Saciid Xasan Shire.

Previous Post

Madaxweyne Xasan oo la kulmay dhigiisa Jabuuti “SAWIRRO”

Next Post

Ku-simaha Madaxweynaha dalka oo ka qeyb galay kulan looga hadlayay dib u eegista dastuurka

Next Post
Guddoomiyaha Baarlamaanka Oo Soo Saaray Go’aan Ku Saabsan Maareynta Wadahadal gelinta Mooshinka Madaxweynaha

Ku-simaha Madaxweynaha dalka oo ka qeyb galay kulan looga hadlayay dib u eegista dastuurka

Wasiirka Maaliyadda XFS oo khudbad ka jeediyay kulanka Bangiga Dunida ee Washington

Wasiirka Maaliyadda XFS oo khudbad ka jeediyay kulanka Bangiga Dunida ee Washington

April 17, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa khudbad taabaneysa dhinacyo badan ka jeediyay fadhiga loo dhan...

Mas’uuliyiinta Buuhoodle oo u istaagay ciribtirka muqaadaraadka

Mas’uuliyiinta Buuhoodle oo u istaagay ciribtirka muqaadaraadka

April 17, 2026
0

Maamulka Degmada Buuhoodle,saraakiisha boliiska,kuwa daraawiishta iyo odayaasha dhaqanka ayaa yeeshay kulan looga hadlaayay xaaladda amni ee degmadaasi iyo qaabka loo...

Madaxda Wasaaradda Sportiga XFS oo kulan muhiim ah la qaatay Ururada Dhallinyarada

Madaxda Wasaaradda Sportiga XFS oo kulan muhiim ah la qaatay Ururada Dhallinyarada

April 17, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Axmed Yuusuf Xasan ayaa kulan la qaatay hoggaamiyeyaasha ururrada dhallinyarada ee ka...

Xildhibaan Aweys Maxamed Cumar oo Nirobi kula shiray Mas’uuliyiin ka tirsan K/ Kuuriya

Xildhibaan Aweys Maxamed Cumar oo Nirobi kula shiray Mas’uuliyiin ka tirsan K/ Kuuriya

April 17, 2026
0

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Ka hortagga iyo La dagaallanka fikradaha Xagjirka ah ee wata rabshadaha Mudane...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In