Monday, August 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Maareeye “Dowladdu way soo dhaweyneysaa xafiiska cusub ee Qaramada Midoobay”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Wasiirka warfaafinta oo ka hadlay weerarka argagixiso ee lagu qaaday hotel Saxafi “Dhageyso”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dawlada Soomaaliya ayaa soo dhaweeysa xafiiska cusub taageerada  Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, iyadoo boogaadisay doorka Qaramada Midoobay  ee ku aadan dib u dhiska  iyo  horumarinta Soomaaliya.

Golaha ammaanka ee Qarmada Midoobay ayaa soo saaray qaraar tirsigiisu yahay 2245, kaasi oo ku saabsan in xafiiskii taageerada Qaramada Midoobay ee AMISOM (UNSOA), loo badalay xafiiska taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, United Nations Support Office for Somalia (UNSOS).

Related posts

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Luanda uga qeybgalay Kalfadhiga 21-aad ee Golaha Midowga Afrika

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Luanda uga qeybgalay Kalfadhiga 21-aad ee Golaha Midowga Afrika

August 30, 2026
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka XFS oo kulan la qaatay Madaxa Xafiiska UNSOS

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka XFS oo kulan la qaatay Madaxa Xafiiska UNSOS

August 30, 2026

Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in Xukuumadda ay soo dhaweyneyso qaraarka lagu badalay xafiiskii hore ee lagu soo badalay xafiiska cusub, kaasi oo u shegay in uu sii xoojin doono xiriirka hay’adaha dowladda iyo kuwa Qaramada Midoobay.

“Dowladda Soomaaliya way soo dhaweyneysaa kor u qaadista xafiiska cusub ee ku aadna taageeridda Soomaaliya, aad ayaan u soo dhaweyneynaa qaraarka ka soo baxay Golaha ammaanka 2245, xafiiska oo markii hore la shaqeyn jiray AMISOM, balse haatan uu la shaqeynayo hay’adaha dowladda” ayuu yiri Wasiir Maareeye.

Wasiirka ayaa sheegay in xafiiska uu wax weyn ku soo kordhin doono xiriirka tooska ah ee ka dhexeeya hay’adaha dowladda iyo kuwa Qaramada Midoobay.
“Hay’adaha dowladda iyo kuwa Qaramada waxa ay yeelanayaan xiriir toos ah oo dhanka wada shaqeynta ah, gaar ahaan hay’adaha amniga ee dowladda u qaabilsan iyo kuwa Qaramada Midoobay, taasi oo qeyb weyn ka qaadaneyso xoojinta iyo sare u qaadida taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya” ayuu hadalkiisa ku daray Wasiirka Warfaafinta.

 

Previous Post

Wasiirka Dastuurka “30-ka Maarso waa la soo gabo gabeyn doonaa dib u eegista dastuurka”

Next Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Luanda uga qeybgalay Kalfadhiga 21-aad ee Golaha Midowga Afrika

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Luanda uga qeybgalay Kalfadhiga 21-aad ee Golaha Midowga Afrika

August 30, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa magaalada Luanda ee dalka Angola kaga qaybgalaya Kalfadhiga...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka XFS oo kulan la qaatay Madaxa Xafiiska UNSOS

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka XFS oo kulan la qaatay Madaxa Xafiiska UNSOS

August 30, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane Omar Afrah ayaa kulan la yeeshay Ku-simaha Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee...

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐤𝐮𝐥𝐦𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐰𝐢𝐭𝐳𝐞𝐫𝐥𝐚𝐧𝐝

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐤𝐮𝐥𝐦𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐰𝐢𝐭𝐳𝐞𝐫𝐥𝐚𝐧𝐝

August 30, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta kulan wax-ku-ool ah la yeeshay wafdi ka socday...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡 𝐥𝐚 𝐲𝐞𝐞𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐢𝐢𝐬𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐭𝐚𝐫

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡 𝐥𝐚 𝐲𝐞𝐞𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐢𝐢𝐬𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐭𝐚𝐫

August 30, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan muhiim ah la yeeshay dhiggiisa dalka Qatar Mudane...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In