Monday, June 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R/wasaaraha Soomaaliya oo sheegay in madaxweynaha Kenya uu kala hadlay joojinta derbiga laga dhisayo xadka labada dal

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
R/wasaaraha Soomaaliya oo sheegay in madaxweynaha Kenya uu kala hadlay joojinta derbiga laga dhisayo xadka labada dal
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

R/wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in madaxda Kenya uu kala hadlay in xadka Soomaaliya iyo Kenya aan laga dhisin darbi kala qeybiya labada wadan.

R/wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/Rashiid Cali Sharmaarke oo Wareysi siiyay Laanta Afka Somaaliga ee VOA ayaa ka hadlay derbi la sheegay in dowladda Kenya ay ka dhiseeyso xadka ay la wadaagto Soomaaliya wuxuuna si cad u sheegay in Madaxweynaha Kenya dhawaan markii ay ku kulmeen Nairobi uu kala hadlay in la joojiyo arinta darbigaasi ku saabsan islamarkaana dowladda Soomaaliya aysan ogolaan doonin dhismaha derbigaasi.

Related posts

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay Safiirka  Suudaan ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay Safiirka Suudaan ee Soomaaliya

June 28, 2026
Guddiga Qabanqaabada Toddobaadka Xorriyadda oo kormeeray xerada Jeneraal Gordon

Guddiga Qabanqaabada Toddobaadka Xorriyadda oo kormeeray xerada Jeneraal Gordon

June 28, 2026

Mudane Sharma’arke ayaa sheegay in madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyata uu ka aqabalay hakinta  darbiga dheer ee laga dhisayo xadka u dhexeeya Somaaliya iyo Kenya.

Dhinaca kale R/wasaare Sharmaarke oo Jasiiradda Maalta uga qeybgalay shirkii looga hadlayay Xakameynta qulqulka Tahriibayaasha galaya Yurub ayaa wax laga weydiiyay qoxooti Soomaali ah oo mararka qaar si qasab ah looga soo celiyo dallaka Yurub, wuxuuna sheegay in madaxda Yurub ay kala hadlayaan in dadka Somaalida ah aan la soo celin Karin, iyadoo aysan ogolaan dowladda Soomaaliya.

Hadalka R/wasaaraha Soomaaliya ee ah in Madaxda Kenya ay isku afgarteen in la joojiyo derbiga laga dhisayo xadka Somaaliya iyo Kenya ayaa imanaya,  iyadoo dowladda Kenya ay  horay u sheegtay in xadka ay la wadaato Soomaaliya ay ka dhiseyso darbi dheer si ay uga hortagto weerarada Maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Previous Post

Weeraro iyo Duqeyn ka dhacdey Magaalada SINJIR,Waqooyiga Ciraaq.

Next Post

Golaha Ammaanka Q.M. oo meelmariyay dhismaha maxkamad la soo taago burcad-badeedda Soomaalida

Next Post
Golaha Ammaanka Q.M. oo meelmariyay dhismaha maxkamad la soo taago burcad-badeedda Soomaalida

Golaha Ammaanka Q.M. oo meelmariyay dhismaha maxkamad la soo taago burcad-badeedda Soomaalida

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay Safiirka  Suudaan ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay Safiirka Suudaan ee Soomaaliya

June 28, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa maanta...

Guddiga Qabanqaabada Toddobaadka Xorriyadda oo kormeeray xerada Jeneraal Gordon

Guddiga Qabanqaabada Toddobaadka Xorriyadda oo kormeeray xerada Jeneraal Gordon

June 28, 2026
0

Guddiga Qabanqaabada Toddobaadka Xorriyadda iyo Midnimada Qaranka ayaa maanta kormeer ku tegay Xerada Jeneraal Gordon ee magaalada Muqdisho. Guddiga ayaa...

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Itoobiya

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Itoobiya

June 28, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta safar shaqo ku gaaray, magaalada Addis...

Danjire Jaamac oo kulamo miro-dhal ah la qaatay Wasiirka Macdanta iyo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga ee Burkina Faso

Danjire Jaamac oo kulamo miro-dhal ah la qaatay Wasiirka Macdanta iyo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga ee Burkina Faso

June 28, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Burkina Faso, Danjire Jaamac Xasan Khaliif ayaa maanta kulan la qaatay Wasiirka Macdanta iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In