Wednesday, July 2, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Farkeeti Oo dalka dib ugu soo noqoday kadib  shirar muhiim ah uga soo qayb galay Sacuudiga iyo Kuwait “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
November 13, 2015
in Wararka
0
Wasiir Farkeeti Oo dalka dib ugu soo noqoday kadib  shirar muhiim ah uga soo qayb galay Sacuudiga iyo Kuwait “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqidisho, 13, Nov, 2015…..Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Aden Farkeeti ayaa saaka dalka dib ugu  soo laabtay kadib  shirar muhiim ah oo uga soo qayb galay dalalka Kuwait iyo Sacuudiga.

Wasiirka ayaa ugu horayntii ka qayb galay shirkii hor dhaca u ahaa kulankii  ay isgu yimaadeen madaxda wadamadda Latiin America iyo Carabta ee ka dhacay magaalada Riyadh ee dalka Sacuudiga, wasiirka ayaa intuu socday shirku wuxuu kulan gaar ah la qaatay madaxa Sanduuqa Horumarinta ee Sacuudiga Eng. Yusuf Al-basam,  kaas oo ay ka wada hadleen sidii Soomaaliya looga caawin lahaa dib u soo celinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka iyo sidii loo hormarin lahaa adeegyada bulshada sida: Waxbarashada, Caafimaadka, Biyo galinta magaalooyinka iyo Dib u soo celinta qaxootiga ku dhibaataysan dalalka dariska ah.

Related posts

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025
NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

July 2, 2025

Sidoo kale wasiirka ayaa ka qayb galay shir ka dhacay magaalada Kuwait oo ay si wada jir ah u wada qaban qaabiyeen Hay’ada Lacagta Aduunka (IMF) iyo Bangiga Dhexe ee Kuwait, kaas oo ay ka soo qayb galeen in kabadan 40 wadan, waxaana shirka looga hadlay qaabka uu ushaqeeyo nidaamka maaliyadeed ee Islaamiga ah ee ku salaysan dulsaar la’aanta (Islamic Finance), waxaana laysku afgartay in la baahiyo isticmaalka Islamic Finance oo waayahaan danbe aad ugu soo xoogaysanayey caalamka.

Dhanka kale Wasiirka ayaa kulan gaar ah la yeeshay intuu ku sugnaa magaalada Kuwait madaxa Horumarinta Sanduuqa ee dalka Kuwait Dr. Cabdullwahab Al-bader, waxayna isla soo qaadeen sidii Soomaaliya looga caawin lahaa kor u qaadida kobaca dhaqaalaha iyo horumar lagu sameeyo dib u soo noolaynta dhaqaalaha dalka,

Ugu danabyntii Wasiirka ayaa magaalda Nairobi kulan kula qaatay safiirka cusub ee Maraykanka u qaabilsan  Soomaaliya, Amb. David H. Kaeuper waxayna ka wada hadleen marxalada siyaasadeed ee dalka iyo horumarka dowladda Soomaaliya ay ku talaabsatay ee dhanka maamulka maareynta maaliyadda. Wuxuuna safiirku ku aamanay dowladda Soomaaliya iney muujisay horumar dhanka kobaca dhaqaalaha iyo baahinta nidaamka maaliyadeed ee dalka.

—DHAMAAD–

gulf trip 2248 gulf trip 2254 gulf trip 2270 gulf trip 2280 gulf trip 2320 gulf trip 2328 gulf trip 2334 gulf trip 2335 gulf trip 2381 gulf trip 2427 Kuwait Fund Saudi conf US ambassador 2 US embassy wasiir arimaha dibedda Kuwait

Previous Post

Madaxweynaha Indonesia Oo Warqadaha Safiirnimo Ka Guddoomay Safiirka Dowlada Soomaaliya Ay U Magacowday Dalkaasi

Next Post

Wasiirka Qorsheynta Dalka Oo Tababar U Soo Xiray Shaqaala Ka Tirsan Wasaaradda Qorsheynta

Next Post
Wasiir Ceynte “Waxaa hadda la sameeyay hanaan wadatashi ah oo sadex bolood socondoona”

Wasiirka Qorsheynta Dalka Oo Tababar U Soo Xiray Shaqaala Ka Tirsan Wasaaradda Qorsheynta

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025
0

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa kulan doceed kula yeeshay magaalada Sevilla ee uu ka...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

July 2, 2025
0

 Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno hoostaga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, halkaas oo...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

July 2, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo ka qeyb galaya Shirweynaha 4-aad ee Horumarinta Maalgashiga Qaramada Midoobay...

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka oo ka warbixiyay diyaarad kusoo dhacday Garoonka Aadan Cadde

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka oo ka warbixiyay diyaarad kusoo dhacday Garoonka Aadan Cadde

July 2, 2025
0

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, Mudane Axmed Macallin Xasan ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in diyaarad nooca Helicopter...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In