Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Indonesia Oo Warqadaha Safiirnimo Ka Guddoomay Safiirka Dowlada Soomaaliya Ay U Magacowday Dalkaasi

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
November 13, 2015
in Wararka
0
Madaxweynaha Indonesia Oo Warqadaha Safiirnimo Ka Guddoomay Safiirka Dowlada Soomaaliya Ay U Magacowday Dalkaasi
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

 

Maanta oo ay taarikhdu tahay 13 November, 2015 oo Jimce ah ayaa Mudane Cabdixakiim Ugaas Cali Yasin Danjiraja Jamhuuriyadda Soomaaliyeed ee Indonesia uu Waraaqihii Aqoonsiga ee Danjienimo  ka guddoomay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Indonesia Md. Joko Widodo.

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

Kaddib xafladda waraaqo guddoomidda ayaa wuxuu Madaxweyne Joko ku soo dhaweeyay Danjire Cabdixakiim kulan soo dhaweyn ah oo ay uga wada hadlayeen xiriirka labadaba wadan, markaas oo uu Danjire Cabdixakiim gaarsiiyay salaan uu uga waday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliyeed Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Danjire Cabdixakiim ayaa sidoo kale gaarsiiyay Madaxweynaha Indonesia in Soomaaliya ay daneyneyso xoojinta xiriirka labada wadan, maalgashiga Indonesia ee wadanka iyo khibradaha labada wadan. sidoo kale Madaxweynaha Indonesia iyo Danjiraha Soomaaliya waxay isla meel dhigeen booqasho uu Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sh. Maxamuud uu ku tagi doono dalka Indonesia.

Madaxweynaha Indonesia ayaa dhankiisa ugu hambalyeeyay Danjire Cabdixakiim masuuliyadda Qaran ee loo igmaday, una rajeeyay inuu Ilaahay u fududeeyo. sidoo kalena ballan qaaday in Indonesia ay xooojin doonto wax la qabsiga Soomaaliya iyo sidii ay uga taageeri lahayd intii awoodeeda ah ka gudbida xaaladaha maanta taagan.

Ugu dambeyn kulanka ayaa ku soo gaba gaboobay jawi aad u wanaagsan. Waxaa goobjoog ka ahaa kulanka Wasiiradda Arrimaha Dibedda Indonesia Marwo Retno Marsoodi, Wasiirka Ku-Xigeenka iyo Madax sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Wasiirka Madaxtooyada dalkaasi.

Danjire Cabdixakiim presiden_jokowi

Previous Post

Barnaamijka Kulanka Todobaadka Oo Looga Hadlay Arrinta La Xiriirta Gidaarka Kenya Ay Ka Dhiseyso Xadka Soomaaliya Iyo Kenya “Dhageyso+Sawirro”

Next Post

Wasiir Farkeeti Oo dalka dib ugu soo noqoday kadib  shirar muhiim ah uga soo qayb galay Sacuudiga iyo Kuwait “Sawirro”

Next Post
Wasiir Farkeeti Oo dalka dib ugu soo noqoday kadib  shirar muhiim ah uga soo qayb galay Sacuudiga iyo Kuwait “Sawirro”

Wasiir Farkeeti Oo dalka dib ugu soo noqoday kadib  shirar muhiim ah uga soo qayb galay Sacuudiga iyo Kuwait "Sawirro"

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In