Wasiirka amniga gudaha ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa caawa ka hadlay dilki magaalada Beledweyne loogu geystay sarkaal u shaqeynayay heyโadda miino barista Qaramada Midoobay.
Wasiirka amniga gudaha C/risaaq Cumar Maxamed oo caawa wareeysi siiyay Radio Muqdisho ayaa sheegay in uu guddi soo baara u magacaabay dilka marxuum Mahdi Xuseen Macoow oo ah ninka lagu dilay magaalada Beledweyne.
Sidoo kale wasiirka ayaa xusay in guddiga uu magacaabay uu ka koobanyahay ilaa Todobo xubnood oo ka kala socda heyโadaha ammaanka, wuxuuna xusay in guddiga uu berri u bixi doono Beledweyne si ay u soo baaraan kiiskaasi.
Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay iney dilkaasi geysteen rag dhallinyaro ah oo sida uu sheegay iney ku jiraan gacanta ciidamada ammaanka, islamarkaana sharciga la horgeyndoono.