Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Koonfur Afrika ayaa caawa shir u qabatay qaar ka mid ah Aqoonyihanada iyo Waxgaradka Soomaaliyeed ee Gobolka Gauting kaasoo loogu hadlay arrimo muhiim u ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi
Shirkan oo socday muddo sedex sac ka badan oo ay Safaaradda ugu qeybalayeen Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalkani,Danjire Jamal Maxamed Barrow iyo Qunsulka Maxamed Cali Mire (Nabadoon) ayaa arimaha loogu hadlayay waxaa ka mid ah,mideynta Jaaliyadda Koonfur Afrika ku dhaqan, sidii Dowladda Koonfur Afrika looga codsan lahaa fududeynta Sharciyada Dalka,in tirokoob iyo Diiwaangalin lagu sameeyo Jaaliyadda Soomaaliyeed,horumarinta ganacsiyada Soomaalida,iyo waliba sidii loogu hortagi lahaa dilalka iyo dhibaatooyinka Ajaaniibta ay Soomaalida qeyb ka tahay.
Qodobadan oo ay Aqoonyihannada,Waxgaradka iyo Madaxda Safaaradda si weyn u lafa gureen,waxeyna is dhaafsadeen talooyiin muhiim ah.