Kulamada ka tirsan is reebreebka koobka adduunka ee 2018 lagu Wado in lagu qabto dalka Ruushka ayaa kulamo ka tirsan kuwa qaaradda Africa la Ciyaaray.
Uganda waxaa ay kulan Adag la ciyaartay xulka qaranka Togo oo ka mid ah dalalka sida weyn ugu hormarsan kubada cagta Marka laga ciyaarayo Qaradda Africa,
Lugtii hore oo ay ku wada Kulmeen gudaha dalkaasi Togo 1-0 waxaa loogu Awood sheegtay Togo oo marti gelisay Uganda,
Lugtii labaad oo ka dhacday gudaha dalka Uganda ayaa waxaa ay Togo halkaasi Kala kulantay guul daro xanuun badan kadib markii looga adkaaday 3-0.
Qaybtii hore ee ciyaarta ayeey Uganda xaqiijisatay in ay ka gudubatay Togo, ayadoo dhammaan Sadexda Gool ee looga adkaaday Togo ay dhalisay Uganda Qaybtii hore ee ciyaarta 4-0 ayeyna noqonaysaa marka la isku daro goolasha labada lugood looga adkaaday Togo,
Ciyaartoyda Xulka Uganda sanadkani Rajo weyn ayey ka qabaan in ay ka qayb galaan koobka adduunka ee ka dhici doono dalka Ruushka sadex sano kadib.
Zambia oo sanadkii 2012 ku guuleysatay koobka Qaramada Qaradda Afrika waxaa ay ku harddameen ka qayb galka koobka adduunka dalka Sudan,
Kulankii hore oo ka dhacay gudaha dalka Sudan ayaa waxaa ay ku soo idlaatay 1-0 oo looga adkaaday Sudan oo marti gelisay Zambia,
Lugtii labaad oo ka dhacday gudaha dalka Zambia ayaa Sidoo kale halkaasi mar kale waxaa lagu qaarajiyay Sudan,
Iyadoo Sudan Qaybtii hore wax gool ah in laga dhaliyo ay diiday balse qaybtii danbe oo ay raadisay goolkii looga soo dhaliyay gudaha Sudan ayaa waxaa daba mareeyay weraryahanada zambia oo shabaqadda Sudan ka helay Laba gool 3-0
waxaana wareegga xiga ee Qaaradda Afrika ay ugu tartamayso ka qayb qaadashada koobka aduunka u soo gudubtay Zambia.
W D Axmed Salaad Shiiqoow