Wednesday, March 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka Gaashaandhigga oo u duulay Beled Xaawo

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka Gaashaandhigga oo u duulay Beled Xaawo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddi is-ku-dhaf ah oo ka kooban xukuumadda iyo baarlamaanka ayaa maanta u amababxay degmada Beled Xaawo ee gobolka Gedo, si ay usoo ogaadaan xaaladda ka jirta xadka Soomaaliya iyo Kenya.

Wafdigaan ayaa u kuurgalaya Derbi la sheegay in dowladda Kenya ay ka dhisayso xadka ay Soomaaliya la wadaagto iyo waliba warar kale oo sheegaya in dowladda Kenya ay darbigaas soo galisay gudaha dalka Soomaaliya.

Related posts

Tartamayaasha Gaalkacyo oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Gaalkacyo oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 3, 2026
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ku wareejiyay Maamulka iyo Guddiga Abaaraha booyado  biyo ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ku wareejiyay Maamulka iyo Guddiga Abaaraha booyado biyo ah

March 3, 2026

Wasiirka gaashaandhigga mudane Cabdulqaadir Cali Diini ayaa hoggaaminaya wafdigaan oo ka kooban wasiiro xukuumadda ka tirsan iyo xildhibaano baarlamaanka ka mid ah, kuwaas oo si gaar ah uga tirsan guddiyada arrimaha dibadda, gudaha iyo gaashaandhigga.

Mudaneyaasha baarlamaanka ayaa dhawaan soo saaray qaraar sugaya in sharci laga dhigo oo ku saabsan arrintaan ka jirta xudduudda Soomaaliya iyo Kenya.

Maamulka degmada Beled Xaawo ayaa dhawaan shaaciyay in dowladda Kenya ay gudaha Soomaaliya soo galinayso darbiga ay ka dhisayso xudduudda, ayagoo burburinaya ama baabi’inaya caalaamadaha xadka ee labada dal.

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa dhawaan warbaahinta dowladda u sheegay in dowladda aysan raalli ka ahayn in dhulka Soomaaliyeed lagu soo xadgudbo.

Sidoo kale xukuumadda iyo baarlamaanka ayaaa ayaa dhawaan isku raacay in guddi xaqiiqo raadin ah oo ka kooban labada gole loo diro xadka si ay usoo ogaadaan waxa ka jira arrintaan.

Dowladda Kenya ayaa horay u sheegatay qeybo ka mid ah badda Soomaaliya, taas oo keentay in Soomaaliya ay dacwad ka dhan ah Kenya u gudbiso maxkamadda caalamiga ah ee Hague.

Previous Post

Yoonis Cali Nuur: 1973 ayaan ka shaqa billownay, aniga iyo Cawke Radio Muqdisho

Next Post

DHAGAYSO Marxuum Wariye Cawke oo Radio Muqdisho ka hadlaya 1988dii

Next Post
Wariye Axmed Xasan Cowke oo geeriyooday

DHAGAYSO Marxuum Wariye Cawke oo Radio Muqdisho ka hadlaya 1988dii

Tartamayaasha Gaalkacyo oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Gaalkacyo oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 3, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ku wareejiyay Maamulka iyo Guddiga Abaaraha booyado  biyo ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ku wareejiyay Maamulka iyo Guddiga Abaaraha booyado biyo ah

March 3, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo ay wehliyaan Guddiga Abaaraha Galmudug, ayaa maanta gaaray Degmada...

Abshir Cukaash oo dil toogasho lagu xakumay

Abshir Cukaash oo dil toogasho lagu xakumay

March 3, 2026
0

Abshir Cukaash Cabdi oo Ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, ayaa lagu eedeeyay In uu si kas ah u dilay Daahir...

𝐀𝐠𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 𝐇𝐒𝐉 𝐨𝐨 𝐱𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐢𝐢𝐬𝐚 𝐤𝐮 𝐪𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐄𝐫𝐠𝐚𝐲𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐦ad𝐚 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐨𝐛𝐚𝐲

𝐀𝐠𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 𝐇𝐒𝐉 𝐨𝐨 𝐱𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐢𝐢𝐬𝐚 𝐤𝐮 𝐪𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐄𝐫𝐠𝐚𝐲𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐦ad𝐚 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐨𝐛𝐚𝐲

March 3, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow ayaa xafiiskiisa kula kulmay Ergayga Gaarka ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In