Tuesday, October 14, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

War Saxaafadeed: Kulanka Wadatashiga Qaran ee Hindise Sharciyeedka Qabyo-Qoraalka Axsaabta Siyaasadda Soomaaliyeed Muqdisho

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho November 23, 2015 – Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ayaa soo gunaanaday wadatashi heer Qaran oo socday saddex maalmood kaasi oo looga tashanayay Hindise Sharciyeedka Qabya Qoraalka Sharciga Axsaabta Soomaaliyeed, in ka badan 200 ergo ayaa iskugu yimid kulanka kuwaa oo ka kala socday bulshada rayidka, ururada siyaasadda, maamulgoboleedyada, xildhibaanadda golaha shacabka, wasiiro iyo wakiilo ka socda Dowladda Federaalka ah.

Wadatashigan oo qeyb ka ahaa wadatashiyo socday oo lagu qabtay dalka qeeybihiisa kala geddisan, ayaa wuxuu qeyb ka ahaa dadaal ay Wasaaraddu dooneysay in lagu soo aruuriyo tallooyinka iyo afkaarta bulshada qeybaheeda kala duwan si loo meelmariyo hindise sharciyeedkan.

Related posts

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

October 14, 2025
Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

October 14, 2025

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka, Xildhibaan C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) ayaa hoosta ka xariiqay ahmiyadda wadatshigan iyo sidii loo meelmarin lahaa xeerka axsaabta.

“Sharcigani wuxuu laf-dhabar u yahay hanaanka aan dooneyno inaan ku talaabsanno, oo ah sidii dalka loo gaarsiin lahaa nidaam dimuqraadi iyo xisbiyo qaran oo ku tartama aragti siyaasaddeed oo hormarisa dalka iyo dadka” ayuu yiri Wasiir C/raxmaan.

Wadatashigan ayaa waxaa door buuxa ka qaatay ka-soo-qeybgalayaasha, kuwaas oo soo jeediyay tallooyin wax-ku-ool ah oo ku aadan dhameystirka hindise sharciyeedka. Waxay si gaar ah u tilmaameen in la waafajiyo xeerka axsaabta shuruucda dalka u degsan si loo xaqiijiyo xoojinta hanaanka dimuqraadiyadda. Sidoo kale ka qeybgalayaashu waxa ay ku nuuxnuuxsadeen in loo baahan yahay in la tixgeliyo hannaanka dib-u-eegista Dastuurka ku meel gaarka ah si loo dhameystiro sharcigan.

Tallooyinka ka soo baxay wadatashiga ayaa loo adeegsan doonaa sidii loogu biirin lahaa hindise sharciyeedkan ka hor inta aan loo gudbin golaha Wasiirada si kadib loogu sii gudbiyo baarlamaanka.

Wasaaradda waxaa ka go’an in sida ugu dhaqsaha badan ay u gudbiso xeerkan golaha Wasiiradda, ka hor intaan loo gudbin Golaha Shacabka Soomaaliyeed. Waxa kale oo hoosta laga xariiqay sidii loo soo dhameystiri lahaa shuruucda kale ee loo baahan yahay, sida federaaleynta, doorashooyinka iyo xeerarka aassaasiga u ah sidii dalka loogu soo dabaali lahaa xasilooni siyaasaddeed, nabad iyo horumar la taaban karo.

Previous Post

Maamulka Koonfur Galbeed Oo Magacowday Afhayeenka Wasaaradda Amniga Ee Maamulkaasi

Next Post

Taliyaha Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed Oo Gaaray Kismaayo “Sawirro”

Next Post
Taliyaha Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed Oo Gaaray Kismaayo “Sawirro”

Taliyaha Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed Oo Gaaray Kismaayo "Sawirro"

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

October 14, 2025
0

14-ka Oktoobar,gaar ahaab 2017-kii waaa dhacdo aad u xanuun badan oo laheyd naxdin iyo amakaag,,kadib kolkii maalin qura ay dhibaatooyin...

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

October 14, 2025
0

Shirka Heer Wasiir ee Ururka Dhexdhexaadka Adduunka (Non-Aligned Movement – NAM) ayaa ka furmay magaalada Kampala ee dalka Uganda. ‎...

Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka oo laga xusay Muqdisho

Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka oo laga xusay Muqdisho

October 13, 2025
0

Iyadoo caalamku maanta u xusaysaa Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka, Soomaaliya waxay xusaysaa adkeysiga iyo geesinimada bulshada Soomaaliyeed...

𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐊u𝐥𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅

𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐊u𝐥𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅

October 13, 2025
0

Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa soo saartay Warbixinta dib-u-eegista 4-aad ee barnaamijka wada-shaqaynta ah ee ay la leedahay Dowladda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In