Thursday, January 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Baarlamaanka Dalka Oo Ansixiyay Sharciga Maalgashiga Shisheeye

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
DAAWO-Baarlamaanka oo cod aqlabiyad leh ku meel mariyey sameynta guddi Baarlamaanni ah oo la dagaalamma Musuq Maasuqa
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulanka baarlamaanka ee maanta waxa ay xildhibaanadu guda galeen u codeynta hindise sharciyeedka maalgashiga Shisheeye oo soo maray marxaldooyinkii kale duwanaa ee loogu talo galay in ay maraan sharciyada ka gudbaya baarlamaanka, waxaana u codeeyay sharcigani codeyn gacan taag ku ogolaatay 143 Xildhibaan hal xildhibaan ayaa diiday halka 3 kalena waa ay ka aamuseen sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha golaha shacbaka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo shir guddoominayay shirkii maanta.

U codeynta  hindise sharciyeedka maalgashiga shisheeye kaddib waxaa xildhibaannada baarlmaanka ugu mahadceliyay in sharcigaasi ay meel mariyaan oo ay guteen waajib Dastuuri ah Wasiiru dowlaha wasaaradda ganacsiga iyo maalgashiga Soomaaliya mudane Maxamed Xasan Aadan.

Related posts

Howlgal lagu jebiyay Khawaarijta oo ka dhacay Nawaaxiga Buula-Xaaji

Howlgal lagu jebiyay Khawaarijta oo ka dhacay Nawaaxiga Buula-Xaaji

January 14, 2026
Mas’uuliyiin ka tirsan DFS oo booqasho ugu tegay Garaad Jaamac

Mas’uuliyiin ka tirsan DFS oo booqasho ugu tegay Garaad Jaamac

January 14, 2026

Afhayeenka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo ku hadlayay magaca guddoonka iyo kan xildhibaanadda ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Allaha u naxariistee Safiirka Soomaaliya ee u fadhiyay dalka Masar iyo suldaan ka mid ahaa isimadii soo xulay xildhibaannada Baarlamaanka ee hadda jira oo isaguna geeriyooday kaasi oo lagu magacaabi jiray Suldaan C/llaahi Kibaar Faarax, waxaana uu ilaah uga baryay labadaasi marxuum in naxariistee eebe uu siiyo Qabrigana uu ilaah u nuuriyo.

Ugu dambeyn, xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa guddigii xaqiiqo raadinta ahaa ee dhawaan soo kormeeray xuduudda ay Kenya iyo Soomaaliya wadaagaan ka dhageystay warbixin ku saabsan xaaladda ka jirta xuduudda.

Previous Post

Taliyaha Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed Oo Gaaray Kismaayo “Sawirro”

Next Post

Arday Imtixaan U Gashay Fursad Shaqo Oo Loo Soo Bandhigay “Sawirro”

Next Post
Arday Imtixaan U Gashay Fursad Shaqo Oo Loo Soo Bandhigay “Sawirro”

Arday Imtixaan U Gashay Fursad Shaqo Oo Loo Soo Bandhigay “Sawirro”

Howlgal lagu jebiyay Khawaarijta oo ka dhacay Nawaaxiga Buula-Xaaji

Howlgal lagu jebiyay Khawaarijta oo ka dhacay Nawaaxiga Buula-Xaaji

January 14, 2026
0

Howlgal culus oo saacadihii la soo dhaafay Ciidamada Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ka fuliyeen nawaaxiga deegaanka Buulo-Xaaji ee...

Mas’uuliyiin ka tirsan DFS oo booqasho ugu tegay Garaad Jaamac

Mas’uuliyiin ka tirsan DFS oo booqasho ugu tegay Garaad Jaamac

January 14, 2026
0

Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee golaha Aqalka Sare ee BJFS Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde), Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ...

Wafdiga Dowladda JFS oo qado sharaf loogu sameeyay Laascaanood

Wafdiga Dowladda JFS oo qado sharaf loogu sameeyay Laascaanood

January 14, 2026
0

Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabduullaahi Cali Xersi (Timacadde), oo ay wehliyaan Wasiirada...

Shirka ka jawaabista abaaraha iyo amni darrada cuntada dalka oo la soo gabagabeeyay

Shirka ka jawaabista abaaraha iyo amni darrada cuntada dalka oo la soo gabagabeeyay

January 14, 2026
0

Waxaa magaalada Moqdisho ku soo gabagaboobay, Shirka Ka-Jawaabista Abaaraha iyo Amni-Darrada Cuntada dalka kadib dood iyo xog is-weydaarsi miro-dhal ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In