Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kulan la qaatay Madaxa Hay’adda Care International ee Soomaaliya Raheel Nasir Chaudhary, kaasi oo ay ka wada hadleen arrimo ay ka midtahay dar-dar gelinta Mashaariicda ay hay’adda Care kafuliso Puntland iyo sidii kor loogu qaadi lahaa mashaariicdaasi.
Madaxa Hay’adda Care ee Soomaaliya Mudane Raheel Nasir ayaa tilmaamay in hawlaha iyo shaqooyinka ay hay’addu kaqabato Puntland ay ka midtahay tayenta Waxbarashada Aasaasiga ah oo ay ugu horeyso farsamada gacanta oo uu sheegay inay muhiimad gaar ah u leedahay wax soo saarka iyo Horumarka deegaanada maamulka Puntland.
Sidoo kale Raheel Nasir ayaa sheegay in Wasaaradda Deegaanka kala shaqeeyaan Ciidamada ilaalinta Deegnaanka, la-dagaallanka xaalufinta Deegaanka, Buuxinta Boholaha, Qaabaynta Harooyinka, Ilaalinta Dhirta iyo Duurjoogta.
Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa hay’adda Care ku boooriyey dar-dargelinta iyo kor uqaadidda Adeegyada Bulshada iyo ilaalinta Deegaanka iyo Duurjoogta isla markaasi tilmaamay sida ay lagama maarmaanka u tahay in hay’adda Care dhug u yeelato Deegaanka iyo Aafooyinka Dabiiciga ah oo marar badan saamayn ku yeesha Nolosha Aadanaha, duurjoogta iyo guud ahaanba Deenkaanka Puntland.