Saturday, August 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

UNOCHA oo warbixin ka soo saartay xaaladda bini’aadannimo ee Soomaaliya

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
UNOCHA oo warbixin ka soo saartay xaaladda bini’aadannimo ee Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Warbixin uu soo saaray xafiiska Isku duwidda arrimaha bini’aadannimada u qaabilsan Qaramada Midoobay  (UNOCHA) ayaa lagu sheegay in xaalad bani’aadannimo ay ka dhalatay roobab xooggan oo ka da’ay deegaannada ay maraan webiyada Jubba iyo Shabeelle ee gudaha dalka Soomaaliya.

Hey’adda FAO waaxdeeda u qaabilsan biyaha iyo xogta dhulka ee Soomaaliya ee loo soo gaabiyo (SWALIM), ayaa laga soo xigtay in marka laga reebo Jowhar, heerka biyaha ee webiyada ay iminka tahay mid caadi ah, balse ay  jirto khatar ka dhalatay fatahaad ay sameeyeen labada webi.

Related posts

Wasiirka Beeraha XFS oo qaabilay Wafdi ka socday Hay’adda RI

August 8, 2026
Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shahaadada musharraxnimada guddoonsiiyay qaar ka mid ah musharraxiinta

Warbixinta SWALIM ayaa lagu sheegay in isu geynta dad lagu qiyaasay 144,000  ay saameeyeen daadad ka dhashay roobab xooggan oo da’ayay tan iyo bishii October ee sanadkan.

Dadka ayaa badankooda ku nool gobollada Hiiraan, Jubbada hoose, Jubbada dhexe,  Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha hoose.

Xilli roobabka ay ku sii yaraanayaan gobollada qaar ee dalka, haddana roobab xooggan ayaa lagu soo warramayaa inay ka da’ayaan  degmooyinka Afgooye iyo Janaale ee gobolka Shabeellaha hoose,  sidoo kale warbixinta SWALIM ayaa lagu sheegay in roobab xooggan ay ka da’ayaan tuulooyinka Buulo-mareer iyo Shalambood ee Shabeelaha hosoe.

Dhanka kale warbixinta ayaa lagu sheegay inay sii kordheyso tirada gobollada uu ka dillaacay shuban biyoodka.

Gobolka Banaadir ayaa lagu soo warramayaa in degmada Xamar-weyne ay shuban biyoodka ugu geeriyoodeen seddex carruur  oo da’doodu ka yareyd 5 sano jir,  waxaana la sheegayaa  in tiro kale oo uu xanuunku hayo la dhigay isbitaalka Banaadir.

Sidoo kale kiisaska xanuunka mallaariyada oo sii kordhaya iyo shuban biyoodka ayaa laga soo sheegayaa gobolka Gedo.

Warbixin uu soo saaray xafiiska Isku duwidda arrimaha bini’aadannimada u qaabilsan Qaramada Midoobay  (UNOCHA) ayaa lagu sheegay in xaalad bani’aadannimo ay ka dhalatay roobab xooggan oo ka da’ay deegaannada ay maraan webiyada Jubba iyo Shabeelle ee gudaha dalka Soomaaliya.

Waaxda hay’adda FAO u qaabilsan biyaha iyo xogta dhulka ee Soomaaliya ee loo soo gaabiyo (SWALIM), ayaa laga soo xigtay in marka laga reebo Jowhar, heerka biyaha ee webiyada ay iminka tahay mid caadi ah, balse ay  jirto khatar ka dhalatay fatahaad ay sameeyeen labada webi.

Warbixinta SWALIM ayaa lagu sheegay in isu geynta dad lagu qiyaasay 144,000  ay saameeyeen daadad ka dhashay roobab xooggan oo da’ayay tan iyo bishii October ee sanadkan.

Dadka ayaa badankooda ku nool gobollada Hiiraan, Jubbada hoose, Jubbada dhexe,  Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha hoose.

Xilli roobabka ay ku sii yaraanayaan gobollada qaar ee dalka, haddana roobab xooggan ayaa lagu soo warramayaa inay ka da’ayaan  degmooyinka Afgooye iyo Janaale ee gobolka Shabeellaha hoose,  sidoo kale warbixinta SWALIM ayaa lagu sheegay in roobab xooggan ay ka da’ayaan tuulooyinka Buulo-mareer iyo Shalambood ee Shabeelaha hosoe.

Dhanka kale warbixinta ayaa lagu sheegay inay sii kordheyso tirada gobollada uu ka dillaacay shuban biyoodka.

Gobolka Banaadir ayaa lagu soo warramayaa in degmada Xamar-weyne ay shuban biyoodka ugu geeriyoodeen seddex carruur  oo da’doodu ka yareyd 5 sano jir,  waxaana la sheegayaa  in tiro kale oo uu xanuunku hayo la dhigay isbitaalka Banaadir.

Sidoo kale kiisaska xanuunka mallaariyada oo sii kordhaya iyo shuban biyoodka ayaa laga soo sheegayaa gobolka Gedo.

Seddex qof ayaa gobolka Shabeellaha dhexe ugu dhimatay shuban biyoodka, 9 kalena waxaa la dhigay xarumaha caafimaadka, sida lagu sheegay warbixinta.

Previous Post

Kulan looga hadlayay xiriirka shaqada ee Dastuuriga ah oo lagu qabtay Muqdisho+Sawirro

Next Post

Marwada Koobaad ee Madaxweynaha oo munaasabad baroor diiq ah u sameysay Marxuum Danjire C/llaahi Xasan+Sawirro

Next Post
Marwada Koobaad ee Madaxweynaha oo munaasabad baroor diiq ah u sameysay Marxuum Danjire C/llaahi Xasan+Sawirro

Marwada Koobaad ee Madaxweynaha oo munaasabad baroor diiq ah u sameysay Marxuum Danjire C/llaahi Xasan+Sawirro

Wasiirka Beeraha XFS oo qaabilay Wafdi ka socday Hay’adda RI

Wasiirka Beeraha XFS oo qaabilay Wafdi ka socday Hay’adda RI

August 8, 2026
0

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka XFS Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa maanta qaabilay wafdi ka socday hey'adda Refugees International (RI), oo...

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shahaadada musharraxnimada guddoonsiiyay qaar ka mid ah musharraxiinta

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shahaadada musharraxnimada guddoonsiiyay qaar ka mid ah musharraxiinta

August 8, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo kulan ku yeeshay xafiiskiisa ku yaalla Xarunta Guddoonka...

Dalka Rwanda oo lagu soo gabagabeeyay Tartanka CECAFA Kagame Cup 2026

Dalka Rwanda oo lagu soo gabagabeeyay Tartanka CECAFA Kagame Cup 2026

August 8, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Magaalada Kigali ee dalka Rwanda ayaa lagu soo gabagabeeyay Tartanka CECAFA Kagame Cup 2026, iyadoo Soomaaliya ay si muuqata...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo tababar dalka Turkiga ugu soo xidhay Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo tababar dalka Turkiga ugu soo xidhay Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor

August 8, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar (Khaalid) iyo Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Jamhuuriyadda Turkiga,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In