Tuesday, July 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

UNOCHA oo warbixin ka soo saartay xaaladda bini’aadannimo ee Soomaaliya

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
November 28, 2015
in Wararka
0
UNOCHA oo warbixin ka soo saartay xaaladda bini’aadannimo ee Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Warbixin uu soo saaray xafiiska Isku duwidda arrimaha bini’aadannimada u qaabilsan Qaramada Midoobay  (UNOCHA) ayaa lagu sheegay in xaalad bani’aadannimo ay ka dhalatay roobab xooggan oo ka da’ay deegaannada ay maraan webiyada Jubba iyo Shabeelle ee gudaha dalka Soomaaliya.

Hey’adda FAO waaxdeeda u qaabilsan biyaha iyo xogta dhulka ee Soomaaliya ee loo soo gaabiyo (SWALIM), ayaa laga soo xigtay in marka laga reebo Jowhar, heerka biyaha ee webiyada ay iminka tahay mid caadi ah, balse ay  jirto khatar ka dhalatay fatahaad ay sameeyeen labada webi.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

July 14, 2025
Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Warbixinta SWALIM ayaa lagu sheegay in isu geynta dad lagu qiyaasay 144,000  ay saameeyeen daadad ka dhashay roobab xooggan oo da’ayay tan iyo bishii October ee sanadkan.

Dadka ayaa badankooda ku nool gobollada Hiiraan, Jubbada hoose, Jubbada dhexe,  Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha hoose.

Xilli roobabka ay ku sii yaraanayaan gobollada qaar ee dalka, haddana roobab xooggan ayaa lagu soo warramayaa inay ka da’ayaan  degmooyinka Afgooye iyo Janaale ee gobolka Shabeellaha hoose,  sidoo kale warbixinta SWALIM ayaa lagu sheegay in roobab xooggan ay ka da’ayaan tuulooyinka Buulo-mareer iyo Shalambood ee Shabeelaha hosoe.

Dhanka kale warbixinta ayaa lagu sheegay inay sii kordheyso tirada gobollada uu ka dillaacay shuban biyoodka.

Gobolka Banaadir ayaa lagu soo warramayaa in degmada Xamar-weyne ay shuban biyoodka ugu geeriyoodeen seddex carruur  oo da’doodu ka yareyd 5 sano jir,  waxaana la sheegayaa  in tiro kale oo uu xanuunku hayo la dhigay isbitaalka Banaadir.

Sidoo kale kiisaska xanuunka mallaariyada oo sii kordhaya iyo shuban biyoodka ayaa laga soo sheegayaa gobolka Gedo.

Warbixin uu soo saaray xafiiska Isku duwidda arrimaha bini’aadannimada u qaabilsan Qaramada Midoobay  (UNOCHA) ayaa lagu sheegay in xaalad bani’aadannimo ay ka dhalatay roobab xooggan oo ka da’ay deegaannada ay maraan webiyada Jubba iyo Shabeelle ee gudaha dalka Soomaaliya.

Waaxda hay’adda FAO u qaabilsan biyaha iyo xogta dhulka ee Soomaaliya ee loo soo gaabiyo (SWALIM), ayaa laga soo xigtay in marka laga reebo Jowhar, heerka biyaha ee webiyada ay iminka tahay mid caadi ah, balse ay  jirto khatar ka dhalatay fatahaad ay sameeyeen labada webi.

Warbixinta SWALIM ayaa lagu sheegay in isu geynta dad lagu qiyaasay 144,000  ay saameeyeen daadad ka dhashay roobab xooggan oo da’ayay tan iyo bishii October ee sanadkan.

Dadka ayaa badankooda ku nool gobollada Hiiraan, Jubbada hoose, Jubbada dhexe,  Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha hoose.

Xilli roobabka ay ku sii yaraanayaan gobollada qaar ee dalka, haddana roobab xooggan ayaa lagu soo warramayaa inay ka da’ayaan  degmooyinka Afgooye iyo Janaale ee gobolka Shabeellaha hoose,  sidoo kale warbixinta SWALIM ayaa lagu sheegay in roobab xooggan ay ka da’ayaan tuulooyinka Buulo-mareer iyo Shalambood ee Shabeelaha hosoe.

Dhanka kale warbixinta ayaa lagu sheegay inay sii kordheyso tirada gobollada uu ka dillaacay shuban biyoodka.

Gobolka Banaadir ayaa lagu soo warramayaa in degmada Xamar-weyne ay shuban biyoodka ugu geeriyoodeen seddex carruur  oo da’doodu ka yareyd 5 sano jir,  waxaana la sheegayaa  in tiro kale oo uu xanuunku hayo la dhigay isbitaalka Banaadir.

Sidoo kale kiisaska xanuunka mallaariyada oo sii kordhaya iyo shuban biyoodka ayaa laga soo sheegayaa gobolka Gedo.

Seddex qof ayaa gobolka Shabeellaha dhexe ugu dhimatay shuban biyoodka, 9 kalena waxaa la dhigay xarumaha caafimaadka, sida lagu sheegay warbixinta.

Previous Post

Kulan looga hadlayay xiriirka shaqada ee Dastuuriga ah oo lagu qabtay Muqdisho+Sawirro

Next Post

Marwada Koobaad ee Madaxweynaha oo munaasabad baroor diiq ah u sameysay Marxuum Danjire C/llaahi Xasan+Sawirro

Next Post
Marwada Koobaad ee Madaxweynaha oo munaasabad baroor diiq ah u sameysay Marxuum Danjire C/llaahi Xasan+Sawirro

Marwada Koobaad ee Madaxweynaha oo munaasabad baroor diiq ah u sameysay Marxuum Danjire C/llaahi Xasan+Sawirro

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

July 14, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Imaaraadka Carabta u qaabilsan...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 14, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa maanta Xarunta Wasaaradda ku qaabilay Safiirka...

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka 25aad ee Wasiirada Maaliyadda ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka 25aad ee Wasiirada Maaliyadda ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

July 14, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta shir Guddoominaya kulanka ay yeelanayaan Wasiirada Maaliyadda Madasha dalalka...

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Ali Haji Aden, ayaa maanta si rasmi ah u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In