Wednesday, April 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha: “Waa in xabbad joojin degdeg ah oo waarta ay ka dhaqan gashaa Gaalkacyo”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka, Xulashada
0
Madaxweynaha: “Waa in xabbad joojin degdeg ah oo waarta ay ka dhaqan gashaa Gaalkacyo”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku baaqey xabbad joojin degdeg ah oo waarta oo ka dhaqan gasha magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, halkaas oo ku dagaalameen ciidammada maamullada Puntland iyo Galmudug.

“Waa ayaan darro in mar kale si micno la’aan ah loo daadiyo dhiigga muwaadiniin Soomaaliyeed oo xaq u leh inay nabad iyo xasilooni ku noolaadaan. Waa in degdeg xabbadda loo joojiyaa, wax kastana wadahadal lagu dhammeeyaa’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Related posts

MARWADA MADAXWEYNAHA JFS OO DEEGAANKA JAZIIRA  QADO UGU SAMEEYSAY  CARRUUR AGOON AH OO AY GACANTA KU HAYSO

MARWADA MADAXWEYNAHA JFS OO DEEGAANKA JAZIIRA QADO UGU SAMEEYSAY CARRUUR AGOON AH OO AY GACANTA KU HAYSO

April 28, 2026
Hoggaamiyaha KGS oo Madaxtooyada ku qaabilay musharax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamed

Hoggaamiyaha KGS oo Madaxtooyada ku qaabilay musharax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamed

April 28, 2026

Madaxweynaha ayaa sidoo kale tacsi u diray dadkii ku waxyeeloobay dagaalkan.

“Ilaahay ha u naxariisto intii ku dhimatey dagaalkan ka dhacay Gaalkacyo. Anigoo ku hadlaya magaca Dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo keygaba, aad ayay ii dhibeysaa inaan arko dad Soomaaliyeed oo naftooda ku weynaya colaad sokeeye oo laga baaqsan karey, dad Soomaaliyeed oo dhaawacyo ula jiifa colaaddaa awgeed, kuwo qaxaya iyo hantidooda ay burburtey intaba. Waana in maskaxda lagu hayaa in Ilaahay nagula xisaabtamayo fal kasta oo aan sameyno, ha noqdo mid san iyo mid xun intaba’’.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladda ay garowsan tahay baaxadda dhibaatada halkaasi ka jirta, sababtaasi awgeedna ay halkaasi uga bilowdey dadaalo nabad raadin ah oo uu horkacayo Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke.

“Colaad kasta oo xilligan la abuuro waxay dib u dhac ku tahay dadaalka ay Soomaaliya doonayso inay dib u soo kabato, iyo barnaamijyada kale ee muhiimka u ah dhismo qaran cusub oo Soomaaliyeed oo caalamka la tartami kara. Waxaa colaaddan ay si toos ah u dhaawacaysa barnaamijyada iskaashiga caalamiga iyo Soomaaliya ee dib u dhiska dalka, barnaamijka Madasha Wadatashiga Qaran ee lagu go’aaminayo mustaqbalka siyaasadeed ee waddankeena iyo kuwo kale oo aan nabad iyo xasilooni la’aantood aan la dhaqan gelin Karin”.

Waxaa uu Madaxweynaha ugu baaqey maamullada Puntland iyo Galmudug inay si buuxda ula shaqeeyaan, gacanna uga geystaan dadaalaka Ra’iisul Wasaare Sharma’arke, Dowladda Federaalka ee Soomaaliyana aanay marnaba u dulqaadan doonin in mar kale la daadiyo dhiigga shacabka iyo barakicinta ummadda u oomman nabadda ee dagaalada ay saameeyeen 25-kii sanno ee la soo dhaafay.

Previous Post

R.W. Sharm’arke “Gaalkacyo waxaan ka noqoneynaa markii ay nabaddu shaqayso oo dadkii barakacay guryahoodii ku soo laabtaan”

Next Post

Jaaliyadda Soomaalida ee ku dhaqan magaalada Minneapolis oo soo dhaweeysay duqa Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post
Jaaliyadda  Soomaalida ee ku dhaqan magaalada Minneapolis oo soo dhaweeysay duqa Muqdisho “SAWIRRO”

Jaaliyadda Soomaalida ee ku dhaqan magaalada Minneapolis oo soo dhaweeysay duqa Muqdisho "SAWIRRO"

MARWADA MADAXWEYNAHA JFS OO DEEGAANKA JAZIIRA  QADO UGU SAMEEYSAY  CARRUUR AGOON AH OO AY GACANTA KU HAYSO

MARWADA MADAXWEYNAHA JFS OO DEEGAANKA JAZIIRA QADO UGU SAMEEYSAY CARRUUR AGOON AH OO AY GACANTA KU HAYSO

April 28, 2026
0

Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Sahro Cumar Xasan ayaa maanta booqasho ku tagtay deegaanka Jaziira, halkaas oo ay qado ugu...

Hoggaamiyaha KGS oo Madaxtooyada ku qaabilay musharax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamed

Hoggaamiyaha KGS oo Madaxtooyada ku qaabilay musharax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamed

April 28, 2026
0

HOGAAMIYE JIBRIIL CABDIRASHIID Xaaji Baydhabo Abriil, 28, 2026: Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Jibriil...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo Xafiiska ku qaabilay hay’adda UN Women

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo Xafiiska ku qaabilay hay’adda UN Women

April 28, 2026
0

Muqdisho,Talaado, 28 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta xafiiskiisa ku...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Cumaan

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Cumaan

April 28, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa booqday Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In