Monday, June 16, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha: “Waa in xabbad joojin degdeg ah oo waarta ay ka dhaqan gashaa Gaalkacyo”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
December 2, 2015
in Wararka, Xulashada
0
Madaxweynaha: “Waa in xabbad joojin degdeg ah oo waarta ay ka dhaqan gashaa Gaalkacyo”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku baaqey xabbad joojin degdeg ah oo waarta oo ka dhaqan gasha magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, halkaas oo ku dagaalameen ciidammada maamullada Puntland iyo Galmudug.

“Waa ayaan darro in mar kale si micno la’aan ah loo daadiyo dhiigga muwaadiniin Soomaaliyeed oo xaq u leh inay nabad iyo xasilooni ku noolaadaan. Waa in degdeg xabbadda loo joojiyaa, wax kastana wadahadal lagu dhammeeyaa’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo kormeeray xarunta dhexe ee Wasaaradda uu dib u dhis ka socdo

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo kormeeray xarunta dhexe ee Wasaaradda uu dib u dhis ka socdo

June 16, 2025
Wasiirka Beeraha iyo Waraabka oo Daah-furay Xarunta cusub ee Sheybaarka Sumaha Beeraha ee (SARIS)

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka oo Daah-furay Xarunta cusub ee Sheybaarka Sumaha Beeraha ee (SARIS)

June 16, 2025

Madaxweynaha ayaa sidoo kale tacsi u diray dadkii ku waxyeeloobay dagaalkan.

“Ilaahay ha u naxariisto intii ku dhimatey dagaalkan ka dhacay Gaalkacyo. Anigoo ku hadlaya magaca Dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo keygaba, aad ayay ii dhibeysaa inaan arko dad Soomaaliyeed oo naftooda ku weynaya colaad sokeeye oo laga baaqsan karey, dad Soomaaliyeed oo dhaawacyo ula jiifa colaaddaa awgeed, kuwo qaxaya iyo hantidooda ay burburtey intaba. Waana in maskaxda lagu hayaa in Ilaahay nagula xisaabtamayo fal kasta oo aan sameyno, ha noqdo mid san iyo mid xun intaba’’.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladda ay garowsan tahay baaxadda dhibaatada halkaasi ka jirta, sababtaasi awgeedna ay halkaasi uga bilowdey dadaalo nabad raadin ah oo uu horkacayo Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke.

“Colaad kasta oo xilligan la abuuro waxay dib u dhac ku tahay dadaalka ay Soomaaliya doonayso inay dib u soo kabato, iyo barnaamijyada kale ee muhiimka u ah dhismo qaran cusub oo Soomaaliyeed oo caalamka la tartami kara. Waxaa colaaddan ay si toos ah u dhaawacaysa barnaamijyada iskaashiga caalamiga iyo Soomaaliya ee dib u dhiska dalka, barnaamijka Madasha Wadatashiga Qaran ee lagu go’aaminayo mustaqbalka siyaasadeed ee waddankeena iyo kuwo kale oo aan nabad iyo xasilooni la’aantood aan la dhaqan gelin Karin”.

Waxaa uu Madaxweynaha ugu baaqey maamullada Puntland iyo Galmudug inay si buuxda ula shaqeeyaan, gacanna uga geystaan dadaalaka Ra’iisul Wasaare Sharma’arke, Dowladda Federaalka ee Soomaaliyana aanay marnaba u dulqaadan doonin in mar kale la daadiyo dhiigga shacabka iyo barakicinta ummadda u oomman nabadda ee dagaalada ay saameeyeen 25-kii sanno ee la soo dhaafay.

Previous Post

R.W. Sharm’arke “Gaalkacyo waxaan ka noqoneynaa markii ay nabaddu shaqayso oo dadkii barakacay guryahoodii ku soo laabtaan”

Next Post

Jaaliyadda Soomaalida ee ku dhaqan magaalada Minneapolis oo soo dhaweeysay duqa Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post
Jaaliyadda  Soomaalida ee ku dhaqan magaalada Minneapolis oo soo dhaweeysay duqa Muqdisho “SAWIRRO”

Jaaliyadda Soomaalida ee ku dhaqan magaalada Minneapolis oo soo dhaweeysay duqa Muqdisho "SAWIRRO"

Somalia Concludes Participation in the 113th International Labour Conference and Condemns Malicious Campaign

Somalia Concludes Participation in the 113th International Labour Conference and Condemns Malicious Campaign

June 16, 2025
0

The Somali delegation led by the Minister of Labour and Social Affairs Hon. Yusuf Mohamed Adan has concluded its participation...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo kormeeray xarunta dhexe ee Wasaaradda uu dib u dhis ka socdo

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo kormeeray xarunta dhexe ee Wasaaradda uu dib u dhis ka socdo

June 16, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa maanta kormeeray xarunta dhexe ee Wasaaradda ee...

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka oo Daah-furay Xarunta cusub ee Sheybaarka Sumaha Beeraha ee (SARIS)

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka oo Daah-furay Xarunta cusub ee Sheybaarka Sumaha Beeraha ee (SARIS)

June 16, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, ayaa si rasmi ah u daah-furay...

Mashruuc Hormarineyd oo ay soo Agaasintay Wasaaradda Howlaha Guud ayaa laga hirgeliyay Garoowe

Mashruuc Hormarineyd oo ay soo Agaasintay Wasaaradda Howlaha Guud ayaa laga hirgeliyay Garoowe

June 16, 2025
0

Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyada oo u hoggaansameysa siyaasadda horumarineed ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In