Sunday, May 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Sheekh Shariif “Waxaan aad uga xumahay dagaalada ka dhacay Gaalkacyo”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Sheekh Shariif  “Waxaan aad uga xumahay dagaalada ka dhacay Gaalkacyo”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dagaalka Gaalkacyo, isagoo ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya halkaasi inay muwaafaqo ka gaaraan colaadda dhexdooda ah.

Mudane Sheekh Shariif ayaa sheegay in maanta ay aheyd in laga shallaayo wixii shalay dhacay, isla markaana aan loo baahneyn dagaal cusub oo ka dhaca Soomaaliya.

Related posts

Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala

Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala

May 31, 2026
Jadwalka imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 oo la shaaciyay

Jadwalka imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 oo la shaaciyay

May 31, 2026

“Waxaan aad uga xumahay dagaalada ka dhacay Gaalkacyo, dadna ku dhinteen, dadna ku barakaceen, waxaa codsanayaa in dagaalka la joojiyo, maanta waxay tahay inaan ka shalayno wixii shalay naga dhintay oo gacmaheena aan ku dilnay, maanta ma aheyn in dagaal cusub Soomaaliya ka bilaabmo, waxaa leenahay nafta iyo sheydaanka ha lala dagaalamo, dadka waa walaalo deegaanka waligeed waa la wada degenaa, dadka wada degana, xuquuq gaar isku leeyihiin ama iska dhex gal, kala guursasho, iyadoo hadana xuquuqda islaamka meesha taalo”ayuu yiri Madaxweynihii hore Sheekh Shariif .

Sidoo kale waxaa uu ugu baaqay dowladda Soomaaliya inay qaadato kaalinteeda, isla markaana la joojiyo dagaalka, isagoo xusay in aanay habooneyn inaan inay dhacaan dagaalo cusub, dadkana ay sii barakacaan, waxaana uu xusay inay tahay mid adduunyo iyo aakhiro qasaaro ah.

“Dowladda kaalinta saaran waa isu keenid, isu soo dhoweyn dadka walaalaha ah, dagaalada in la joojiyo, inay xoog uga shaqeyso waa waajibaadkeeda koowaad iyo labaad waayee waxay dowladda u taagan tahay inay shacabka is jecleysiiso, shacabka nabadeyso, nabad kadib ayaa horumar imaan karaa, nabad la’aan waxba ma imaan karo, dadka soomaaliyeed cudurka dilaayo, Alshabaabka dilaayo, gaajada u dhimanayo in xabad loogu sii daro lama rabee waxaa la rabaa nabad in laga shaqeeyo, waxaa rajeyneynaa in dowladda ay qaadato mas’uuliyadeeda ku aadan nabadeynta iyo xabad joojinta dagaalada”ayuu yiri.

Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid, iyo Madaxda Maamul goboleedyada ayaa Gaalkacyo ka wada dadaallo ku wajahan sidii loo soo afjari lahaa dagaallada ka dhacay halkaasi.

Previous Post

Wasaaradda Haweenka oo Tababar ku Saabsan Dhowrista Xuquuqda Carruurta u Qabatay Ururro-SAWIRRO

Next Post

Shirweynaha Caalamiga ah ee Cimilada oo ka furmay Paris

Next Post
Shirweynaha Caalamiga ah ee Cimilada oo ka furmay Paris

Shirweynaha Caalamiga ah ee Cimilada oo ka furmay Paris

Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala

Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala

May 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dhaarinta Xildhibaanada Koofur-Galbeed: Riyadii hadda waa run. Shalay, Magaalada Baydhabo waxaa lagu dhaariyay Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Dawlad-goboleedka Koofur...

Jadwalka imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 oo la shaaciyay

Jadwalka imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 oo la shaaciyay

May 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir ayaa si rasmi ah u shaaciyay jadwalka Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad ee...

Guddoomiye Aadan Madoobe oo la kulmay qaar kamid ah Saraakiisha Ciidamada Xooga Dalka

Guddoomiye Aadan Madoobe oo la kulmay qaar kamid ah Saraakiisha Ciidamada Xooga Dalka

May 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa kulan la qaatay Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Dhulka...

Horjoogayaal lagu dilay hawlgal ka dhacay Shabeellaha Hoose

Horjoogayaal lagu dilay hawlgal ka dhacay Shabeellaha Hoose

May 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal ay ka fuliyeen deegaanka Hanti Wadaag ee gobolka Shabeellaha Hoose ku dilay laba...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In