Friday, July 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirweynaha Caalamiga ah ee Cimilada oo ka furmay Paris

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Shirweynaha Caalamiga ah ee Cimilada oo ka furmay Paris
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maanta oo Isniin ah waxaa magaalada Paris ee xarunta France laga furay shirweynaha caalamiga ah ee looga hadlayo cimilada Adduunka iyo dhibaatada Warshadaha u geystaan bay’ada.

Shirweynahan waxaa ka qeyb galaya 140 hogaamiyaasha dalalka Warshadahaleh iyo dalalka kale ee saameyn weyn ku yeelatay cimilada isbedaleysa ee Adduunka. Shirkan ayaa socon doona labada asbuuc ee soo socda, waxaana ka qeyb galaya ergo gaaraysa 10.000.

Shirkan ayaa diiradda lagu saarayaa in Beesha Caalamka ay ku heshiiso shuruuc cusub oo lagu xakameenayo wasakhda Warshadaha u geystaan bay’ada ee saameynta ku yeelatay cimilada.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta oo ka tacsiyadeeyey geerida fanaan Cigaal

Wasiirka Warfaafinta oo ka tacsiyadeeyey geerida fanaan Cigaal

July 31, 2026
Guddoomiye Cabdi Xaashi oo ka tacsiyeeyay geerida AUN  Axmed Cali Cigaal

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo ka tacsiyeeyay geerida AUN Axmed Cali Cigaal

July 31, 2026

Wadamada qaar ee aaminsan in heerka biyaha bada ee sare usii kaceysa ay burbur ku keeni doonto wadamadooda ayaa lagu wadaa in shirkan ay warbixino kusoo bandhigaan, sidoo kale wadamada horumaray ee Warshadahaleh kuwaasi oo geysta dhibaatada ugu weyn ee bay’ada ayaa soo bandhigi doona qorshahooda ay ku xakameenayaan warshadahooda.

Marar badan oo horey la isgu dayey in heshiis laga gaaro arrimahan ayaa lagu guuleysan waayey kadib markii dalalka ugu warshadaha badan sida Maraykanka uu ka baxay heshiisyadii horey loo gaaray.

Khubarada dhanka cimilada iyo cilmi-baarayaasha caalamiga ah ayaa ku sheegay in shirka sanadkan uu yahay fursadii ugu danbeysay ee wax looga qaban karo dhibaatadan.

Previous Post

Sheekh Shariif “Waxaan aad uga xumahay dagaalada ka dhacay Gaalkacyo”

Next Post

Dhageyso Warka Duhurnimo Ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhurnimo Ee Radio Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta oo ka tacsiyadeeyey geerida fanaan Cigaal

Wasiirka Warfaafinta oo ka tacsiyadeeyey geerida fanaan Cigaal

July 31, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfitaax Qaasim Maxamuud, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar...

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo ka tacsiyeeyay geerida AUN  Axmed Cali Cigaal

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo ka tacsiyeeyay geerida AUN Axmed Cali Cigaal

July 31, 2026
0

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelada, bahda...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka qeybgalay shirka ka jawaabista saameynta la filayo ee Super El Niño 2026

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka qeybgalay shirka ka jawaabista saameynta la filayo ee Super El Niño 2026

July 30, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ku matalay shir dhanka Zoomka ah...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN MIRO DHAL AH LA QAATAY DHIGGIISA DALKA YUGAANDHA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN MIRO DHAL AH LA QAATAY DHIGGIISA DALKA YUGAANDHA

July 30, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galinkii dambe ee maanta safar shaqo ku gaaray magaalada Kambaala ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In