Ra’iisul wasaaraha xukuumada Soomaaliya ayaa wada kulamo iyo la tashiyo uu la yeelanayo siyaasiyiinta iyo qeybaha bulshada Gaalkacyo si xal looga gaaro Shaqaaqooyinkii ka dhacay Gaalkacyo.
Ra’isul Wasaaraha Dalka ayaa wada Dadaalo la isugu keenayo Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas iyo Madaxweynaha Galmudug C/kariin Guuleed, iyadoo Ra’isul Wasaaraha kulamo gaar gaar ah uu la leeyahay labada dhinac.
Wada hadalada iyo waan-waanta socota ayaa waxay ujeeddadoodu tahay sidii lagu xalin lahaa xiisadaha colaadeed ee u dhexeeya maamullada Galmudug iyo Puntland oo magaaladaas ay ku dhex mareen dagaalo khasaare nafeed iyo mid maaliyadeedba sababay.
Ra’isul wasaaraha iyo wafdiga la socda ayaa goor dhow la filayaa in kulan ay la qaataan madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayna kala hadlaan joojinta shaqaaqooyinkii ka dhacay Gaalkacyo, waxaana gaalkacyo ku wada sugan madaxweynayaasha Maamulada Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo kan Jubbaland, xubno ka tirsan labada gole ee Dowladda kuwaa oo iyana qeyb ka ah waawaanta dowlada hormuudka ay u tahay.
Wixii Warar Ah Ee Ku Soo Kordha Waan Idiin La Socodsiin Doonaa Insha’allah