Saturday, October 18, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha Wasiirada oo kulankoodii maanta ugu baaqay dhinacyada Gaalkacyo inay Ixtiraamaan heshiiska+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Golaha Wasiirada oo kulankoodii maanta ugu baaqay dhinacyada Gaalkacyo inay Ixtiraamaan heshiiska+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulankoodii joogtada ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho, iyadoo kulankan uu shir guddoominayay Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed, waxayna ka hadleen qodobo kala duwan oo ay ka mid ahaayeen amniga, heshiiskii Gaalkacyo, dib u soo laabashada colaada Gaalkacyo, howlaha Wasaarada howlaha Guud iyo guriyeynta.

Golaha Wasiirada ayaa ugu horeyn ka hadlay heshiiskii taariikhiga ahaa ee shalay wada gaareen Puntlanld iyo Galmudug, ayna goob jooga ka ahaayeen wafdiga ballaaran ee dowladda Federaalka ee uu hogaaminayay Ra’’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke.

Related posts

Hay’adda NIRA oo ku dhawaaqday muddada khidmad-dhaafka ee kaadhka aqoonsiga Qaranka

Hay’adda NIRA oo ku dhawaaqday muddada khidmad-dhaafka ee kaadhka aqoonsiga Qaranka

October 18, 2025
Wasiirka Maaliyadda XFS oo shir muhiim ah uga qayb galay dalka Mareykanka

Wasiirka Maaliyadda XFS oo shir muhiim ah uga qayb galay dalka Mareykanka

October 18, 2025

Golaha Wasiirada ayaa si wada jir ah u cambaareeyey dagaalada dib uga soo cusboonaaday magaalada Gaalkacyo, xilli ay weli fidsan tahay gogosha nabadeed ee la isku afgartay shalay in la sii ambaqaado, waxayna ugu baaqeen in la illaaliyo nabadda iyo heshiiska Gaalkacyo, si loo baajiyo dhiiga shacabka.
Sidoo kale, Golaha Wasiirada ayaa waxay ka hadleen howlaha Dib u dhiska, iyo dayactirka ay hay’addaha dowladdu wadaan, waxayna hoosta ka xariiqeen in Wasaaradda Howlaha Guud iyo guriyeynta ay tahay Wasaaradda u xil saaran dhamaamba howlaha dib u dhiska iyo dayactirka, gaar ahaana Diyaarinta, Kormeeridda iyo Qiimeynta dhismaha iyo dayactirka.

Waxay sidoo kale, fareen Wasaaraddaha Xukuumada inay ku wareejiyaan heshiisyada iyo qorsheyaasha dib u dhiska iyo dayactirka dowladda, kuna tixgeliyaan Wasaaradda howlaha guud, si loo illaaliyo nidaamka shaqada iyo waajibaadka Wasaaraddaha iyo hay’addaha dowladda.

Ugu dambeyn, Golaha Wasiirada ayaa warbixino ka dhegeystay Wasiirka Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta sare Marwo Khadra Bashiir Cali, Wasiirka Dastuurka Mudane Xuseen Maxamuud Sh. Xuseen, Wasiirka Gaashaandhigga Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini.

h k unnamed

Previous Post

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Soomaliya oo booqday Dekadda iyo Maxjarka weyn ee Magaalada Port Sudan+Sawirro

Next Post

Dood cilmiyeed looga hadlayay xaalka Warfaafinta Soomaaliya oo lagu qabtay Magaalada Khartoum ” SAWIRRO”

Next Post
Dood cilmiyeed looga hadlayay xaalka Warfaafinta Soomaaliya oo lagu qabtay Magaalada Khartoum ” SAWIRRO”

Dood cilmiyeed looga hadlayay xaalka Warfaafinta Soomaaliya oo lagu qabtay Magaalada Khartoum '' SAWIRRO''

Hay’adda NIRA oo ku dhawaaqday muddada khidmad-dhaafka ee kaadhka aqoonsiga Qaranka

Hay’adda NIRA oo ku dhawaaqday muddada khidmad-dhaafka ee kaadhka aqoonsiga Qaranka

October 18, 2025
0

Hay'adda Is-diiwaangelinta Kaarka Aqoonsiga Qaranka Ee NIRA,ayaa shaacisay muddada kama dambeysta ah ee ay ku eg tahay, adeegga khidmad-dhaafka ah...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo shir muhiim ah uga qayb galay dalka Mareykanka

Wasiirka Maaliyadda XFS oo shir muhiim ah uga qayb galay dalka Mareykanka

October 18, 2025
0

RADIO MUQDISHO(WASHINGTON DC):-Iyada oo uu gabo-gabo ku dhaw yahay Shirka sanadlaha ah ee IMF iyo Bangiga Adduunka ayaa Wasiirka Maaliyadda...

Wasaaradda Awqaafta XFS oo shaacisay qorshe-howleedka arrimaha Xajka ee sanadkan

Wasaaradda Awqaafta XFS oo shaacisay qorshe-howleedka arrimaha Xajka ee sanadkan

October 18, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo gudaneysa waajibaadkeeda Qaran, kana duuleysa qorshe howleedka arrimaha Xajka...

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo ka warbixisay qasaaraha fatahaadaha

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo si kooban u sharxay ahmiyadda shirweynaha cilmi-baarista aafooyinka Soomaaliya

October 17, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa ka hadlay muhiimadda shirweynaha cilmi-baarista aafooyinka Soomaaliya. Guddoomiyuhu wuxuu carrabka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In