Tuesday, March 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha Wasiirada oo kulankoodii maanta ugu baaqay dhinacyada Gaalkacyo inay Ixtiraamaan heshiiska+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Golaha Wasiirada oo kulankoodii maanta ugu baaqay dhinacyada Gaalkacyo inay Ixtiraamaan heshiiska+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulankoodii joogtada ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho, iyadoo kulankan uu shir guddoominayay Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed, waxayna ka hadleen qodobo kala duwan oo ay ka mid ahaayeen amniga, heshiiskii Gaalkacyo, dib u soo laabashada colaada Gaalkacyo, howlaha Wasaarada howlaha Guud iyo guriyeynta.

Golaha Wasiirada ayaa ugu horeyn ka hadlay heshiiskii taariikhiga ahaa ee shalay wada gaareen Puntlanld iyo Galmudug, ayna goob jooga ka ahaayeen wafdiga ballaaran ee dowladda Federaalka ee uu hogaaminayay Ra’’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke.

Related posts

Tartamayaasha Buula-burte oo tartanka ka ciribtirtay Yaaqshiid, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Buula-burte oo tartanka ka ciribtirtay Yaaqshiid, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 9, 2026
𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐚 𝐪𝐚𝐚𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐚 𝐪𝐚𝐚𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚

March 9, 2026

Golaha Wasiirada ayaa si wada jir ah u cambaareeyey dagaalada dib uga soo cusboonaaday magaalada Gaalkacyo, xilli ay weli fidsan tahay gogosha nabadeed ee la isku afgartay shalay in la sii ambaqaado, waxayna ugu baaqeen in la illaaliyo nabadda iyo heshiiska Gaalkacyo, si loo baajiyo dhiiga shacabka.
Sidoo kale, Golaha Wasiirada ayaa waxay ka hadleen howlaha Dib u dhiska, iyo dayactirka ay hay’addaha dowladdu wadaan, waxayna hoosta ka xariiqeen in Wasaaradda Howlaha Guud iyo guriyeynta ay tahay Wasaaradda u xil saaran dhamaamba howlaha dib u dhiska iyo dayactirka, gaar ahaana Diyaarinta, Kormeeridda iyo Qiimeynta dhismaha iyo dayactirka.

Waxay sidoo kale, fareen Wasaaraddaha Xukuumada inay ku wareejiyaan heshiisyada iyo qorsheyaasha dib u dhiska iyo dayactirka dowladda, kuna tixgeliyaan Wasaaradda howlaha guud, si loo illaaliyo nidaamka shaqada iyo waajibaadka Wasaaraddaha iyo hay’addaha dowladda.

Ugu dambeyn, Golaha Wasiirada ayaa warbixino ka dhegeystay Wasiirka Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta sare Marwo Khadra Bashiir Cali, Wasiirka Dastuurka Mudane Xuseen Maxamuud Sh. Xuseen, Wasiirka Gaashaandhigga Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini.

h k unnamed

Previous Post

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Soomaliya oo booqday Dekadda iyo Maxjarka weyn ee Magaalada Port Sudan+Sawirro

Next Post

Dood cilmiyeed looga hadlayay xaalka Warfaafinta Soomaaliya oo lagu qabtay Magaalada Khartoum ” SAWIRRO”

Next Post
Dood cilmiyeed looga hadlayay xaalka Warfaafinta Soomaaliya oo lagu qabtay Magaalada Khartoum ” SAWIRRO”

Dood cilmiyeed looga hadlayay xaalka Warfaafinta Soomaaliya oo lagu qabtay Magaalada Khartoum '' SAWIRRO''

Tartamayaasha Buula-burte oo tartanka ka ciribtirtay Yaaqshiid, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Buula-burte oo tartanka ka ciribtirtay Yaaqshiid, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 9, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐚 𝐪𝐚𝐚𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐚 𝐪𝐚𝐚𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚

March 9, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta xafiiskiisa ku booqday Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Warbixinta Qaran ee Cimilada iyo Horumarka Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho

Warbixinta Qaran ee Cimilada iyo Horumarka Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho

March 9, 2026
0

Magalada Muqdisho ayaa martigelisay munaasabad lagu daahfurayay Warbixinta Qaran ee Cimilada iyo Horumarka Soomaaliya, taas oo si wadajir ah u...

Dekedda weyn ee Muqdisho oo ku biirtay Ururka Caalamiga ah ee Dekadaha IAPH

Dekedda weyn ee Muqdisho oo ku biirtay Ururka Caalamiga ah ee Dekadaha IAPH

March 9, 2026
0

Dekedda Weyn ee Muqdisho ayaa si rasmi ah ugu biirtay Ururka Caalamiga ah ee Dekedaha International Association of Ports and...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In