Barnaamijka kulanka todobaadka ee sida tooska ah uga baxa Radio Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ayaa maanta looga hadlay Xiisadihii maalmihii u dambeeyay ka taagnaa magaalada Gaalkacyo iyo sida muhiimka ay u tahay in dagaal ka dhacaa halkaasi laga baaqsado, Xili dadaalo Dowladda Soomaaliya ay waday lagu guuleystay in heshiis la kala dhex dhigo dhinacyada dirirtu ay dhexmartay ee Galmudug lana filayo maanta in la kala qaadaa Ciidamada Dirirtu dhexmartay.
Barnaamijka ayaa waxaa ka qeyb galayay oo marti ku ahaa Xildhibaan C/raxmaan Xaaji Ibraahim Ibi oo wax badan kala socda arrimaha gaalkacyo ka jira, Gen Xuseen Siyaad Qoorgaab oo ah qoon yahaan Soomaaliyeed, Sheekh Cali Maxamuud Xasan Sheekh Cali Wajiis oo ka mid ah Culumada Soomaaliyeed, waxaana martida barnaamijka ay ku baaqayaan nabad iyo xasilooni, xili baaqyada nabadeed ee loo jeedinayo dhinacyada shaqaaqooyinka ay ku dhex mareen Gaalkacyo.
Dowlaadda Soomaaliya oo uu horkacayo Ra’isul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo maalmihii u dambeeyay ku howlanaa dhex dhexaadinta iyo isu keenida maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa ku guuleystay in heshiis ay wada gaaraan labada hogaamiye ee kala matala labadaasi maamul, inkastoo maanta Xaalada Ay dagantahay lana filayo in la kala qaado ciidamada is diriray.