Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaran Mudane Axmed Cali daahir ayaa ugu baaqay dhamaan Hay`adaha Dawladda iyo Shacabka Soomaaliyeed in la la dagaalamo Musuqmaasuga ragaadiyey Soomaaliya,taasoo uu sheegay in isbadelo jiri doonaan ,waqtiguna uusan ku sii jiri doonnin marxaladaha haatan jira.
Xeer ilaaliyaha ayaa waxaa kaloo uu sheegay in ay la xisaabtan uu jiri doona, qof kastaa waxa uu geystey lagula xisaabtami doono,waxa laga yaabaa daruufaha , waqtiga,imkaaniyaadka,xiliyada iyo goobta in ay u saamixi waayaan la xisaabtan ama talaabo sharci in laga qaado shaqsihii ama hayadaii musuqmaasuqa ka dhacey.
Dr.Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in muhiimadu tahey in baaritaan la sameeyo. ,baaritaan ka dib sharciga la horkeeni doono,hadii an maanta la keeni waayo,berri ayaa la keeni doonaa ama waqti kale,isagoo sheegay in hay`adaha ay taxadir Sameeyaan.
“Xeer ilaaliyaha ayaa hay`adaha ka codsadey in ay ku dadaalaan isla markaana ilaaliyaan sharciga ,kuna dhaqmaan, wax walibana waxaa ay ku qoran yihiin sharciga e ha la dhowro. Ayuu yiri Dr.Axmed Cali Daahir
Ugu danbeyn Xeer ilaaliyaha ayaa ka hadlay in ay waayadan danbe ay soo badanayaan boobka iyo dhaca dhulka hayadaha dawladda iyo kuwa shacab,isagoo dhanka kale xusay in ay jiraan dad sidi ay doonaan ka yeelaan dhulalkaasi Hay`adaha Dawlada ,kuna tagri falaan dhulalka,guryaha iyo hantidii dawladda.