Geneva:- Ra’isul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte iyo wafdi la socdo oo ay ka mid yihiin La Taliyaha Xafiiska Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cabdi Yuusuf iyo Jacfar Abuukar Maxamed oo ka tirsan Xafiiska Ra’isul wasaaraha oo socdaal howleed ku joogo dalka Switzerland ayaa magaalada Geneva waxa kaga qeyb galay shirweyne loogu hadlayay sidii loo xoojin lahaa Yabooha ama Deeqaha la siiyo Dowladaha u baahan taageerada beesha Caalamka oo ay Soomaaliya ku jirto .
Ra’isul Wasaare ku-xigeenka ayaa shirka ku soo bandhigay sidii Soomaaliya loo garab istaagi lahaa isagoo beesha Caalamka u sheegay in laga taageero Soomaaliya, isla markaana gurmad deg deg ah loo fidiyo dadkii ku waxyeeloobay daadadka ku dhuftay gobolka ka tirsan Soomaaliya.
Sidoo kale Ra’isul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya ayaa magaalada Bern ee Caasimada Switzerland waxa uu maalintii shalay eheed kula kulmay Madax ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Switzerland .
Kulanka dhexmaray Ra’isul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya iyo Madaxda Wasaaradda arrimaha dibada ee Switzerland waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo uu ugu muhiimsanaa xiriirka labada dal iyo sidii loo xoojin lahaa kaalmada la siiyo dowladda Soomaaliya.
Mudane Maxamed Cumar Carte Qaalib ayaa shalay waxa uu kulan gar ah oo looga hadlayo sidii Dowladda Soomaaliya looga gacansiin lahaa baahinta nidaamka Federaalka uu la yeeshay Madaxda 26-ka Gobol ama (Canton)-uu ka koobanyahay Switzerland, kaasi oo uu ka soo baxay natiijooyin wax wax weyn u tarayo shacabka Soomaaliyeed.
Ugu Danbeyntii Ra’iusl Wasaare ku.xigeenka ayaa xalay waxa uu magaalada Bern kulan kula yeeshay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Switzerland.
Kulankan ayaa ahaa mid casho sharaf ah oo ay Jaaliyadu u sameysay Wafdiga Ra’isul wasaare ku-xigeenka, waxaana ka soo qeyb galay qaar ka tirsan Mas’uuliyiinta dowladda sida Danjiraha Soomaaliya ee Switzerland Drs. Faaduma Cabdilaahi Insaaniye, La Taliyaha Xafiiska Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cabdi Yuusuf iyo Jacfar Abuukar Maxamed oo ka tirsan Xafiiska Ra’isul wasaaraha.
Si kastaba ha ahaate Wafdiga Ra’iusl wasaare ku- xigeenka Xukuumada Soomaaliya ayaa la filayaa in maalinta berito ee Jimcaha ah ay ka ambabaxaan dalka Switzerland.