Guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo maaliyadda degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan Maxamed Cabdi Abiikar oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in Maleeshiyaadka Shabaab ay weerar ku soo qaadeen tuulo dhanka galbeed ka xigta degmada, halkaasi oo ay shabaabku ka qaateen matoor yiilay tuulada.
“Dhagarqabayaasha Shabaabka xalay saqdiii dhexe waxa ay soo weerareen tuulo hoostagta degmada Jalalaqsi, waxa ay ka qaateen motoorkii saarnaa ceel ku dhexyiilay masjid deegaanka ay shabaabku soo weerareen ku yaala, runtii dadkii tuulada iminka biyo la’aan ayaa heysata” ayuu yiri Maxamed.
Maamulka ayaa sheegay inay diyaar u yihiin in bulshada ku dhaqan tuulada ay Shabaabku weerareen la qeybsna doonaan dhibta soo foodsaartay, isla markaana ay gacan ka geysan doonaan sidii bulshada loogu heli lahaa matoor kale oo ay ceelka u adeegsadaan.