Friday, January 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ban Ki Moon: “Waxaan aad uga naxay qalalaasaha iyo rabshadaha ka sii socda dalka Burundi”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Ban Ki Moon: “Waxaan aad uga naxay qalalaasaha iyo rabshadaha ka sii socda dalka Burundi”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada New York ayaa walaac ka muujiyay rabshadaha iyo dilalka ka sii socda dalka Burundi isagoo ka digay dagaal sokeeyo oo ka dhaca dalkaasi.

“Waxaan aad uga naxay qalalaasaha iyo rabshadaha dalkaas ka sii socda, waxaa ka wal walsanahay in dagaalo sokeeye uu ka dhaco Burundi” ayuu yiri  Ban. Ki Moon

Related posts

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

January 9, 2026
Ciidanka Dowladda oo  cagta mariyay farriisimo ay ku sugnaayeen khawaarijta

Khawaarij lagu laayey gobolka Bay

January 9, 2026

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in Burundi uu u dirayo la taliyihiisa gaarka ah, si Madaxda dalkaas, kuwa gobolka iyo Midowga Afrika ay ugala hadlaan xaaladda sii xumaaneysa ee ka taagan dalka Burundi.

Qaramada Midoobey ayaa sheegtay tan iyo markii rabshadaha ka bilowdeen dalkaas ay ku barakaceen boqolaal kun oo ruux oo u cararay dalalka deriska.

Waxaa laga cabsi qabaa inay dib u soo laabtaan dagaaladii u dhaxeeyay qowmiyadaha Hutu iyo Tutsi, isla markaana uu dhaco xasuuq.

Wixii ka dambeeyay bishii April ee sanadkan waxaa Burundi ka taagnaa qalalaaso siyaasadeed, kaddib markii Madaxweyne Pierre Nkurunziza uu ku dhawaaqay in mar saddexaad uu isu soo sharaxayo xilka, taasoo ay ka hor yimaadeen mucaaradka dalkaasi.

Previous Post

Telefishinka Qaranka oo galabta si toos ah u soo tebin doona ciyaarta Finalka ah ee koobka G. Daa’uud

Next Post

Xaqa uu muslimku ku leeyahay Muslimka kale        

Next Post
Xaqa uu muslimku ku leeyahay Muslimka kale        

Xaqa uu muslimku ku leeyahay Muslimka kale        

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

January 9, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa maanta oo jimce khadka taleefanka...

Ciidanka Dowladda oo  cagta mariyay farriisimo ay ku sugnaayeen khawaarijta

Khawaarij lagu laayey gobolka Bay

January 9, 2026
0

WAR-SAXAAFADEED   Ciidamada Gaarka ah ee Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xalay hawlgal qorshaysan oo beegsi ah...

Ciidanka NISA iyo kuwa Xoogga Dalka oo howlgal qorsheysan ku dilay 4 dhagarqabe oo khawaarij ah

Ciidanka Xoogga iyo Saaxiibada Caalamka oo Jubbada Dhexe ku dilay maleeeshiyaad khawaarij ah

January 9, 2026
0

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka gaar ahaan Ciidamada Maraykanka, ayaa xalay fuliyay howlgal qorshaysan oo lala beegsaday...

Joint Statement on the illegal visit of the Israeli official to “Somaliland” Region of the Federal Republic of Somalia on 6 January 2026

Joint Statement on the illegal visit of the Israeli official to “Somaliland” Region of the Federal Republic of Somalia on 6 January 2026

January 9, 2026
0

The Ministers of Foreign Affairs of the Arab Republic of Egypt, the People's Democratic Republic of Algeria, the People's Republic...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In