Sunday, August 10, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Cudurka Daacuunka oo ka dillaacay xeryaha qaxootiga Dhadhaab

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
December 17, 2015
in Wararka
0
Cudurka Daacuunka oo ka dillaacay xeryaha qaxootiga Dhadhaab
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wararka ka imaanaya xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab ayaa sheegaya in toddobo qof ay dhimatay, 541 kalena la dhigay xarumaha caafimaadka kaddib markii cudurka daacuunka uu ka dillaacay xeryaha qaxootiga Dhadhaab, gaar ahaan xerada lagu magacaabo Dhagaxley.

Dadka uu cudurku soo ritay badankood waa carruur ka yar 12 sano, sida ay sheegtay hay’adda dhaqaatiirta aan xudduuda lahayn ee MSF, taas oo xustay in roobab xooggan oo ka da’ay deegaanka iyo nadaafadda oo xun ay door ka qaateen faafidda cudurka.

Related posts

Tababarka Anshaxa Warbaahinta ee Tabinta Doorashooyinka oo la soo gabagabeeyay

Tababarka Anshaxa Warbaahinta ee Tabinta Doorashooyinka oo la soo gabagabeeyay

August 10, 2025
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa Dalka Aljeeriya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa Dalka Aljeeriya

August 10, 2025

“Roobabka ayaa uga sii daraya xaaladda nadaafadda oo horeyba u liidatay,” ayuu yiri Charles Gaudry, oo ah madaxa howlgallada MSF ee dalka Kenya.

Charles ayaa sheegay in tirada bukaannada la jiifinayay xarumaha caafimaadka ay sii kordhaysay tan iyo toddobaadkii tegay, iyadoo carruurtu ay yihiin kuwa ugu badan ee cudurku saameeyay.

Hay’adda UNHCR iyo kuwa kale ee ka shaqeeya samafalka ayaa xarumo lagu daaweeyo bukaannada cudurkan ka furay xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee dalkaasi Kenya.

Previous Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Ururrada bulshada rayidka ah oo soo dhaweeyay qo’aannadii ka soo baxay shirkii wada tashiga

Next Post
Ururrada bulshada rayidka ah oo soo dhaweeyay qo’aannadii ka soo baxay shirkii wada tashiga

Ururrada bulshada rayidka ah oo soo dhaweeyay qo'aannadii ka soo baxay shirkii wada tashiga

Tababarka Anshaxa Warbaahinta ee Tabinta Doorashooyinka oo la soo gabagabeeyay

Tababarka Anshaxa Warbaahinta ee Tabinta Doorashooyinka oo la soo gabagabeeyay

August 10, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Maxamed Ibraahim Bilaal, ayaa maanta soo xiray aqoon isweydaarsi aba maalmood socday ee...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa Dalka Aljeeriya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa Dalka Aljeeriya

August 10, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Wasiir Cabdisalaam Cabdi Cali , ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay...

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka oo kulan mira dhal ah la qaatay Safiirka Mareykanka

Mareykanka oo Soomaaliya kala shaqeynayo sugidda Ammaanka Xuduudaha

August 10, 2025
0

War- qoraal ah oo ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa lagu sheegay in Dowladda Mareykanku ay Soomaaliya kala...

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka oo kulan mira dhal ah la qaatay Safiirka Mareykanka

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka oo kulan mira dhal ah la qaatay Safiirka Mareykanka

August 10, 2025
0

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Mustafe Sheekh Cali ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Safiirka Dowladda Maraykanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In