Friday, October 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Sareeyo Gaas Shariif Sheekhuna “Boolisku waa saaxiibka dhabta ah ee bulshada“

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Sareeyo Gaas Shariif Sheekhuna “Boolisku waa saaxiibka dhabta ah ee bulshada“
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Stockholm, December 20, 2015 – Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska Soomaaliya Sareeyo Gaas Shariif Sheekhuna Maye ayaa fariin hambalyo ah u diray  ciidanka Booliska Soomaaliya sanad guurada 72-aad ee ka soo wareegatay markii la aas’aasay oo ku beegan maanta oo kale December 20 .

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026

Sareeyo Gaas Shariif Sheekhuna isagoo ku sugan dalka Sweden, ayaa yiri “ Waxaan halmalyo qiimo leh u dirayaa Sareeyeyaasha, Saraakiisha , Kormeerayaasha , Saraakiil xigeenka , Alifleyda ,Dableyda Ciidanka Booliska Soomaaliyeed , xaasaskooda iyo inta nabadda jecel” .

Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska Soomaaliya waxa uu xusay in Boolisku uu yahay saldhigga laga unkay ciidamada kala duwan ee Qarankeenu ku faano ,taasina ay caddeyn u tahay kartida iyo waxgalka Saraakiishii dhidibada u taagtay , isagoo Allah uga baryay inuu Jannada geliyo geesiyaasha Booliska ee naftooda ku waayay ilaalinta amniga Qaranka iyo difaaca muwaadinka Soomaaliyeed.

Sareeye Gaas Shariif Sheekhuna Maye waxa uu tilmaamay in Boolisku yahay saaxiibka dhabta ah ee bulshada , una howlgalo u saldhiggidda ammaanka , deganaanshaha iyo cadaaladda , tusmooyinkaasina ay  halbowle u yihiin nolosha wanaagsan iyo horumarka joogtada ah .

Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska Soomaaliya, waxa uu ku soo gunaanuday fariintiisa hambalyada ah “ Ciidanka Boolisku waxa uu ku guuleystay soo celinta deganaanshaha magaalooyin badan oo dalka ah oo ay ugu horeyso Muqdisho , taasina ay horseeday dib u dhiska dalka ,maalgashiga, wufuud heer caalami ah oo dalka soo booqatay iyo inay korodho Safaraadaha iyo Ergada Shisheeye ee Xarumaha ku yeelanaya Caasimadda, waxaan idin leeyahay “ Geediga hore haloo wado” dalku wuu hagaagayaa , dadkeenuna waxa ay noqonayaan kuwa u nugul nabadda , midnimada iyo wadajirka Ummadda Soomaaliyeed, Soomaaliya ha noolaato”.

Previous Post

Taliyaha ciidanka Asluubta oo ka hadlay shir uu uga qeyb galay dalka Austria “Dhageyso”

Next Post

Diyaaradda Air France Oo Walxaha Qarxa Looga Shakiyay Ayaa Degdeg Ugu Degtay Mombasa

Next Post
Diyaaradda Air France Oo Walxaha Qarxa Looga Shakiyay Ayaa Degdeg Ugu Degtay Mombasa

Diyaaradda Air France Oo Walxaha Qarxa Looga Shakiyay Ayaa Degdeg Ugu Degtay Mombasa

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran ayaa gaaray magaalada Al-Calamayn ee Jamhuuriyadda Carabta ee Masar....

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026
0

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Dowladda Galmudug, oo kaashanaysa Ciidanka Difaaca Badda iyo Ilaalada Xeebaha Soomaaliya, ayaa hawlgal kormeer iyo...

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In