Friday, August 29, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Munaasabad lagu xusayay sanadguurada ciidanka booliiska oo lagu qabtay Baydhabo

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
December 20, 2015
in Wararka
0
Munaasabad lagu xusayay sanadguurada ciidanka booliiska oo lagu qabtay Baydhabo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koofur-galbeed ayaa ka qeybgashay munaasabad lagu maamuusayay xuska sanadguurada 72-aad ee ciidanka booliiska Soomaaliyeed oo maanta lagu qabtay Baydhabo.

Cutubyo ka tirsan ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo wajiyadooda laga dheehanay farxad dheeraad ah ayaa dhoolatus ciidan iyo gaadda ka ciyaarba ku soo bandhigay munaasabadaasi oo si heer sare ah loo soo agaasimay.

Related posts

Midowga Afrika oo soo dhoweeyay heshiiska laga gaaray arrimaha doorashooyinka

Midowga Afrika oo soo dhoweeyay heshiiska laga gaaray arrimaha doorashooyinka

August 28, 2025
Madaxweynaha JFS oo kulan la qaatay Wasiirka Arrimaha dibedda Jabuuti

Madaxweynaha JFS oo kulan la qaatay Wasiirka Arrimaha dibedda Jabuuti

August 28, 2025

Munaasabadda oo ka dhacday dugsiga tababarka Cali Salaameey ayaa waxaa ka qeybgalay wasiirro ka tirsan maamulka K/Galbeed, saraakiil ka tirsan ciidamada qalabka sida, gudoomiyaha gobolka Baay, gudoomiyaha degmada Baydhabo  iyo dadweyne aad u farabadan.

Saraakiil ka tirsan ciidanka Booliiska oo munaasabaddaasi ka hadashay ayaa ka sheekeeysay taariikhda ciidanka booliiska, marxaladihii uu soo maray iyo duruufaha kala duwan ee uu ciidanku xilligan ku shaqeeyo.

Wasiirka hub ka dhigiska, dhaqancelinta maleeshiyaadka iyo tababarrada ciidanka Xasan Xuseen Maxamed “Eelaay” oo gebagebadii munaasabadda ka hadlay ayaa hambalyo u diray ciidanka booliiska isagoo tilmaamay in maamulku uu il gaar ah ku eegi doono baahiyaha ciidanka booliiska.

Sanad kasta maanta oo kale waxaa dalka laga xusaa sanadguurada ciidanka booliiska Soomaaliyeed oo ku asteysan 20-ka dicembar.

Previous Post

Xuska sanadguurada Booliska oo lagu qabtay Kismaayo

Next Post

Daawo Sawirrada: Munaasabadda xuska maalinta ciidanka Booliiska oo lagu qabtay Muqdisho

Next Post
Daawo Sawirrada: Munaasabadda xuska maalinta ciidanka Booliiska oo lagu qabtay Muqdisho

Daawo Sawirrada: Munaasabadda xuska maalinta ciidanka Booliiska oo lagu qabtay Muqdisho

Midowga Afrika oo soo dhoweeyay heshiiska laga gaaray arrimaha doorashooyinka

Midowga Afrika oo soo dhoweeyay heshiiska laga gaaray arrimaha doorashooyinka

August 28, 2025
0

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Maxamuud Cali Yuusuf ayaa soo dhoweeyay heshiiska 25kii August ay Muqdisho ku gaareen Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka...

Madaxweynaha JFS oo kulan la qaatay Wasiirka Arrimaha dibedda Jabuuti

Madaxweynaha JFS oo kulan la qaatay Wasiirka Arrimaha dibedda Jabuuti

August 28, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka aan walaalaha nahay...

Hay’adda Socdaalka Soomaaliya oo bilaabi doontaa adeegga E-VISA laga bilaabo 1-da Sebteembar 2025

Hay’adda Socdaalka Soomaaliya oo bilaabi doontaa adeegga E-VISA laga bilaabo 1-da Sebteembar 2025

August 28, 2025
0

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa si rasmi ah u daah furtay adeegga E-VISA/ETAS, kaas oo dalka lagu soo geli...

Soomaaliya iyo Kazakhstan oo kala saxiixday heshiis Diblomaasiyadeed

Soomaaliya iyo Kazakhstan oo kala saxiixday heshiis Diblomaasiyadeed

August 28, 2025
0

Maamulka Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Türkiye ayaa si diirran u soo dhoweeyay saxiixa heshiis diblomaasiyadeed oo u dhexeeya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In