Wednesday, February 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dibadbax balaaran oo maanta ka dhacay Jowhar+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Dibadbax balaaran oo maanta ka dhacay Jowhar+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dibadbax lagu taageerayay go’aanki madaxweynaha ee ahaa in shirka dhismaha maamulka gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe lagu qabto Jowhar ayaa maanta ka dhacay xarunta gobolka Sh/Dhexe ee Jowhar.

Dibadbaxan oo uu soo qaban qaabiyay maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa ka qeybgalay boqollaal dadweyne ah oo socod ku soo maray waddooyinka magaaladaasi, iyagoo watay boorar ay ku qornaayeen halku dhigyo ay ku muujinayaan taageeradooda ku aaddan in shirka lagu qabto magaalada Jowhar.

Related posts

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay kulanka Diblomaasiyiinta iyo Madaxweynaha Kenya

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay kulanka Diblomaasiyiinta iyo Madaxweynaha Kenya

February 11, 2026
Agaasimaha Guud Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo la kulmay Danjiraha Shiinaha

Agaasimaha Guud Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo la kulmay Danjiraha Shiinaha

February 11, 2026

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Sh/Dhexe iyo kan degmada Jowhar oo dibadbaxayaasha la hadlay ayaa sheegay iney taageersanyihiin dhismaha maamul loo sameeyo gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe iyo go’aanki madaxweynaha ee ahaa in Shirka maamul u sameynta labadaasi gobol lagu qabto Jowhar,  caasimadda maamulkaasna ay noqono BuuloBarde.

Shacabka ku nool magaalada Jowhar ayaa si diirran u soo dhaweeyay in shirka maamul u sameynta labadaasi gobol lagu qabto Jowhar, iyagoo dareenkooda ku aaddan arrintaasina ku muujiyay dibadbaxa ay maanta ka oogeen magaaladaasi.

Wariyaha nooga soo warama gobolka Sh/Dhexe Abuukar Maxamed Bacadle ayaa soo sheegaya in bulshada reer Jowhar ay u diyaar garoobeen martigelinta Shirkaasi, iyagoo si wanaagsan uga shaqeeyay nadaafadda iyo bilicda magaalada, halka ammaankana aad loo adkeeyay.

banaban-tagero-1 banaban-tagero-2 banaban-tagero-3 banaban-tagero-4 banaban-tagero-5 banaban-tagero-6 banaban-tagero-7 banaban-tagero-8 banaban-tagero-9 banaban-tagero-10

Previous Post

Kulan lagu taageerayay gudoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan oo lagu qabtay Buulobarde

Next Post

Madaxweynaha oo caawa ku hoyanaya magaaladda Beledweyn+Sawirro

Next Post
Madaxweynaha oo caawa ku hoyanaya magaaladda Beledweyn+Sawirro

Madaxweynaha oo caawa ku hoyanaya magaaladda Beledweyn+Sawirro

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay kulanka Diblomaasiyiinta iyo Madaxweynaha Kenya

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay kulanka Diblomaasiyiinta iyo Madaxweynaha Kenya

February 11, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jabriil Ibraahim Cabdulle , ayaa ka qeyb galay kulankii Sanadlaha ah ee Diblomaasiyadeed ee Bilowga...

Agaasimaha Guud Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo la kulmay Danjiraha Shiinaha

Agaasimaha Guud Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo la kulmay Danjiraha Shiinaha

February 11, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali, ayaa kulan la qaatay Danjiraha Jamhuuriyadda Shacbiga...

Wasiiru-Dowlaha Gaashaandhigga oo Booqday Markabka Dagaalka ee Turkiga ee Muqdisho

Wasiiru-Dowlaha Gaashaandhigga oo Booqday Markabka Dagaalka ee Turkiga ee Muqdisho

February 11, 2026
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga, Xildhibaan Cumar Cali Cabdi, oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud,...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ka qaybgalay kal-fadhiga 48aad ee Golaha fulinta Midowga Afrika

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ka qaybgalay kal-fadhiga 48aad ee Golaha fulinta Midowga Afrika

February 11, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa ka qaybgalay furitaanka Kal-fadhiga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In