Monday, August 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Galmudug oo Kenya Madax kula kulmay” War saxaafadeed”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Galmudug oo Kenya Madax kula kulmay” War saxaafadeed”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed oo maalmahaan ku sugan caasimadda dalka Kenya ee Nairobi ayaa wada kulamo uu halkaasi kula yeelanayo madaxda Beesha Caalamka ee Nairobi fariisinka u ah iyo Safaaradaha dowladaha arrimaha Soomaaliya daneeya ee Nairobi ku yaala.

Madaxweynaha ayaa maanta waxa uu ku qaabilay nairoobi Hogaamiyaha aqlabiyada Barlamaanka Kenya haysta Xildhibaan Aadan Barre Ducaale,

Related posts

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo qaabilay Safiirka Algeria ee Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo qaabilay Safiirka Algeria ee Soomaaliya

August 31, 2026
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Qatar

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Qatar

August 31, 2026

waxayna labada masuul Qado kadib wada qaateen kulan dheer oo saacado socday oo ay labada dhinac ku gorfeeyeen xaalada xiligaan Soomaaliya ay ku jirto,doorashada 2016-ka, isku soo dhawaanshiyaha Ahlusunna iyo Galmudug iyo sidii heshiis buuxa oo aan soo laaban loogu gaari lahaa kala arakti duwanaanta Galmudug iyo Puntland mararka qaar dhexmara.

Xildhibaan Aadan Barre Ducaale ayaa sheegay inay dowlada Kenya aad ugu dadaalayso taageerida Maamulka Galmudug isla markaana kaalin xoogan ka cayaareyso wada-hadalsiinta Galmudug iyo Ahlusunna oo Toddobaadka soo socda bilaabmaya.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa dhankiisa sheegay inay dowlada Kenya ugu mahadcelinayaan taageerida ay Galmudug la garab taagan yihin, waxuuna sheegay inay Galmudug xiligaan cagta saartay wadadii Horumarka isla markaana ay ku dadaalayaan sidii maalmaha soo socda loo dhameyn lahaa khilaafka kala dhaxeeya culumada Ahlusunna Wal-Jameeca.

Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in shir lagu wada hadalsiinayo Ahlusunna iyo Galmudug uu ka dhaco magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana la sugayaa Madaxda Ahlusunna oo saacadaha soo socda gaaraya magaalada Nairobi.

Previous Post

Wafti ka socda Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta oo kormeer shaqo ku tagay Baydhabo”SAWIRRO”

Next Post

Madaxweynaha Puntland oo dhagax dhigay Dhismaha qaar ka mid ah Wasaaradaha Maamulkaasi”Sawirro”

Next Post
Madaxweynaha Puntland oo dhagax dhigay Dhismaha qaar ka mid ah Wasaaradaha Maamulkaasi”Sawirro”

Madaxweynaha Puntland oo dhagax dhigay Dhismaha qaar ka mid ah Wasaaradaha Maamulkaasi"Sawirro"

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo qaabilay Safiirka Algeria ee Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo qaabilay Safiirka Algeria ee Soomaaliya

August 31, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Mudane Cali Yuusuf Cali(Xoosh) ayaa xarunta Wasaaradda ee Muqdisho ku qaabilay Safiirka cusub ee...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Qatar

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Qatar

August 31, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan la yeeshay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Qatar ahna Wasiirka Difaaca Mudane Sheekh...

Duqa Muqdisho oo kormeeray deegaanka Xaaji Cabdi oo dib-u-dejin loogu sameynayo shacabka

Duqa Muqdisho oo kormeeray deegaanka Xaaji Cabdi oo dib-u-dejin loogu sameynayo shacabka

August 31, 2026
0

Muqdisho, 31 Agoosto 2026: Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta kormeeray deegaanka...

Guddoomiyaha SoDMA oo daahfuray kulan looga hadlayo arrimaha bani’aadantinimada

Guddoomiyaha SoDMA oo daahfuray kulan looga hadlayo arrimaha bani’aadantinimada

August 31, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta daahfuray kulan ku saabsan diyaar-garowga iyo wax ka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In