Monday, July 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Maareeye: Machadka tababarka saxaafadda ayaa furi doonaa

caqiil by caqiil
11 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ee xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” uu maanta ku tagay xaruntii wakaalada Filimada Soomaaliya oo ku taala degmada Xamar-weyne ee gobolka Banaadir ayaa waxaa ku wehliyay agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta  C/rasaq Cali Yuusuf (Bahlaawi).

Agaasimaha guud ee wasaarada warfaafinta Soomaaliya oo ugu horeyn goobta ka hadlay ayaa wasiirka faahfaahin ka siiyay sida ay u suuragashay in dhimahan muddo  20 sano kadib gacanta u soo gashay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

Related posts

Ciidanka Danab oo hawlgal qorshaysan ku dilay 9 Xubnood oo Khawaarij ah Shabeellaha Hoose

Ciidanka Danab oo hawlgal qorshaysan ku dilay 9 Xubnood oo Khawaarij ah Shabeellaha Hoose

July 20, 2026
Munaasabad lagu taageerayo Musharraxa  Galmudug ee Ururka JSP oo lagu qabtay Dhuusamareeb 

Munaasabad lagu taageerayo Musharraxa  Galmudug ee Ururka JSP oo lagu qabtay Dhuusamareeb 

July 20, 2026

C/rasaaq Cali Yuusuf agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta ayaa mahadcelin u jeediyay dadkii dhismahan ku noolaa mudadii burburka isla markaana ogolaaday in ay ka guuraan markii madaxda wasaaradu ay ka codsadeen,isagoo sidoo kale u mahadceliyay ciidanka booliiska Soomaaliya oo arintaas gacan ka geystay.

Wasiirka warfaafinta,dhaqanka iyo dalxiiska dowladda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” ayaa sheegay in xaruntan laga dhigi doono machadka tababarka saxaafadda Soomaaliyeed isla markaana dhowaan dib loo dhisi doono.

Wasiir Maareeye ayaa sidoo kale tilmaamay in ay heshiis la galeen ganacsato Soomaaliyeed oo dib u dhis ku sameysay xaruntan si loogu faa’ideysto, isagoo tilmaamay in heshiisyo kale la saxiixdeen dowlado iyo hey’ado marka la furo machadka balan qaaday in ay ku qalabeyn doonaan casri ah.

Dhowaan ayaa laga saaray dadkii Soomaaliyeed oo deganaa dhismaha wakaalada Filimada Soomaaliyeed.

Previous Post

Marwada Madaxweynaha oo xariga ka jartay ceelbiyood qaxootiga Yaman loo qoday

Next Post

Wasiirka arimaha dibadda oo la kulmay safiirka Imaaraadka u fadhiya Soomaaliya

Next Post
Wasiirrada Arrimaha Dibedda Somalia iyo UAE oo kulmay.+Sawirro.

Wasiirka arimaha dibadda oo la kulmay safiirka Imaaraadka u fadhiya Soomaaliya

Ciidanka Danab oo hawlgal qorshaysan ku dilay 9 Xubnood oo Khawaarij ah Shabeellaha Hoose

Ciidanka Danab oo hawlgal qorshaysan ku dilay 9 Xubnood oo Khawaarij ah Shabeellaha Hoose

July 20, 2026
0

Ciidanka Sida Gaarka ah u Tababaran ee Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa hawlgal qorshaysan ka fuliyey deegaanka Hantiwadaag...

Munaasabad lagu taageerayo Musharraxa  Galmudug ee Ururka JSP oo lagu qabtay Dhuusamareeb 

Munaasabad lagu taageerayo Musharraxa  Galmudug ee Ururka JSP oo lagu qabtay Dhuusamareeb 

July 20, 2026
0

Munaasabad lagu taageerayay Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug ee Xisbiga JSP, Mudane Liibaan Axmed Xasan, ayaa lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb, caasimadda Dowlad...

Muqdisho oo si weyn loogu daawaday ciyaartii kama dambaysta ahayd ee Koobka Adduunka

Muqdisho oo si weyn loogu daawaday ciyaartii kama dambaysta ahayd ee Koobka Adduunka

July 20, 2026
0

Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa xalay la kulantay jawi ciyaareed oo gaar ah, iyadoo kumannaan shacab ah ay goobo kala...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay La-taliyaha Sare ee Madaxweynaha Mareykanka ee Afrika

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay La-taliyaha Sare ee Madaxweynaha Mareykanka ee Afrika

July 19, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali (Dhaay), ayaa maanta kulan ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In