Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Marwada Madaxweynaha oo xariga ka jartay ceelbiyood qaxootiga Yaman loo qoday

caqiil by caqiil
December 31, 2015
in Wararka
0
Marwada madaxweynaha oo deeq ku wareejisay gudigga gurmadka qaxootiga Yemen
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xafladaan marwada koobaad ee madaxweynaha Soomaaliya Qamar Cali Cumar ay xariga uga jareysay ceelbiyoodkan ay u hirgalisay dadka qaxootiga Yaman ee ku dhex nool Safarada wadankaasi uu ku leeyahey magaalada Muqdisho ayaa waxa kala Marwada kala qeyb galey Safiirka Yaman Soomaaliya u fadhiya Maxamed Sha’iif, Qunsulka Cadan u fadhiya Soomaaliya gudoomiyaha ururka haweenka qaranka gudoomiyaha degmada Shangaani iyo mas’uuliyiin kale.

Marwada madaxweynaha Soomaaliya Qamar Cali  Cumar  markii xariga ay ka jartay Ceelbiyoodkan ayaa waxey kormeertay dhismooyinka Cooshadaha ka sameysan ee ay daganyihiin dadka reer Yaman, iyado u kuurgashay xaaladooda nololeed waxeyna sidoo kale safiirka Yaman ku wareejisay qalab nadaafadeed  loogu talagaley fayadhowrka Caafimaadka dadka qaxootiga ah.

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

Gudoomiyaha degmada Shangaani Siciid C/qaadir Siciid iyo Batuulo Sheekh Axmed Gabale oo ah gudoomiyaha ururka haweenka Qaranka ayaa si wada jir ah ugu amaaney marwada koobaad ee Madaxweynaha Soomaaliya sida ay isugu howshay daboolida baahiyaha dadka reer Yaman ee qaxootiga ah.

Qunsulka guud ee safaaradda Soomaaliya ee dalka Yaman Axmed Suudaani ayaa sheegay in dadkan qaxootiga ah oo ku nool magaalada Muqdisho heysato dhibaato nolaleed isla markaana loo baahan yahay in la caawiyo.

Safiirka Yaman u jooga Soomaaliya  Maxamed Shaif ayaa uga mahadceliyey marwada Madaxwweynaha Soomaaliya Qamar Cali Cumar ceelbiyoodkan ay ugu tala gashey dadka qaxootiga ah iyo agabyada kale ee nadaafada qaxootiga kor loogu qaadi doono.

Marwada koowaad ee dalka  Qamar Cali  Cumar oo ugu dambeyntii  la hadashay dadka reer Yaman ayaa sheegtay iney dowlada Soomaaliya iyo shacabkeeduba taakuleynta dadka qaxootiga.

 

Previous Post

Saraakiil booliis ah oo loo furey aqoon kororsi-Sawirro

Next Post

Wasiir Maareeye: Machadka tababarka saxaafadda ayaa furi doonaa

Next Post

Wasiir Maareeye: Machadka tababarka saxaafadda ayaa furi doonaa

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In