Tuesday, January 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

ciidanka booliska oo xalay degmada Heliwaa ku dilay Shabaab weerar ku soo qaaday saldhigga

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Taliska booliska oo ka digay in qashinka la soo dhoobo hareeraha waddooyinka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidamada Booliska ayaa ku guuleystay inay fashilyaan weerar Kooxda Nabad diidka ah ee Al-Shabaab xalay kusoo qaaday saldhigga Booliska Degmada Heliwaaa ee Gobolkan Banaadir, iyadoo Ciidamadu halkaasi ay kula wareegeen hub isla markaana ku dileen 3-dhagarqabe oo ka tirsanaa kuwii weeraka soo qaaday.

Taliyaha Booliska Qebta Gobolka Banaadir Jeneraal Cali Xirsi Baree “Cali Gaab” oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Kooxaha Nabaddiidka ah ay saldhiga ka soo weerareen dhowr jiho, balse Ciidamada Booliska ay ku guuleysteen in shacabka Degmada ay ka badbaadiyaan dhagarta Argagaxisadu ay la damacsanaayeen.

Related posts

Wasiiru-dowlaha Tacliinta Sare XFS oo ka qeybgashay daah-furka mashruuc muhiim ah

Wasiiru-dowlaha Tacliinta Sare XFS oo ka qeybgashay daah-furka mashruuc muhiim ah

January 12, 2026
Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Shaqada XFS oo safar shaqo ku tegay  Turkiga

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Shaqada XFS oo safar shaqo ku tegay Turkiga

January 12, 2026

“Abaaro sagaalkii fiidmo ayay ahayd markii maleeshiyada Al-Shabaab ay saldhiga ka soo wareereen saddex jiho, laakiin ciidanka ayaa ku guuleystay inay goobta ku dilaan saddex ka tirsan kuwii weerarka soo qaaday, waxaana laga furtay labo qori oo Ak47 ah iyo hal qori oo nuuca RPG ah, goobta ayayna ka carareen” ayuu yiri Taliye Cali Gaab.

Sidookale Jeneraal Cali Xirsi Barre ayaa u mahadceliyay shacabka Degmada Heliwaa oo uu sheegay in ciidanka ay u soo gudbiyeen xogta ku aadan weerarka Maleeshiyaadka Al-Shabaab  ay ku soo qaadeen saldhigga, waxaana uu ka codsaday inay sii xoojiyaan la shaqeynta ciidanka amniga.

Weerarka Maleeshiyada Al-Shabaab ay kusoo qaadeen saldhigga Booliska Degmada Heliwaa ayaa imaanaya, iyadoo habeen hore ciidanka sirdoonka iyo Nabad sugidda Qaranka ay kahortageen weerar Argagaxisadu ay doonayeen inay ku qaadaan Xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho, waxaana tallaabooyinkaasi ay tusaale u yihiin sida ciidamada Amniga ay ugu heelan yihiin xoojinta Nabadgelyada.

 

 

 

 

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Faah faahin ka soo baxaysa qarax ka dhacay Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post
Faah faahin ka soo baxaysa qarax ka dhacay Muqdisho “SAWIRRO”

Faah faahin ka soo baxaysa qarax ka dhacay Muqdisho "SAWIRRO"

Wasiiru-dowlaha Tacliinta Sare XFS oo ka qeybgashay daah-furka mashruuc muhiim ah

Wasiiru-dowlaha Tacliinta Sare XFS oo ka qeybgashay daah-furka mashruuc muhiim ah

January 12, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Marwo Nuura Mustafa Mukhtaar, ayaa ka qeybgashay munaasabadda daahfurka Mashruuca Tamarta la Cusboonaysiin...

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Shaqada XFS oo safar shaqo ku tegay  Turkiga

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Shaqada XFS oo safar shaqo ku tegay Turkiga

January 12, 2026
0

Wafdi heer sare ah oo ka socda Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee JFS, oo uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda, Mudane...

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha SoDMA oo gaaray Dhoobley

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha SoDMA oo gaaray Dhoobley

January 12, 2026
0

Wafdi ay hoggaaminayaan Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, iyo Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee...

Wafdi uu Hoggaaminayo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare oo gaaray Laascaanood

Wafdi uu Hoggaaminayo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare oo gaaray Laascaanood

January 12, 2026
0

Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabduullaahi Cali Xersi...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In