Wednesday, November 26, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hey’adda Nabadsugidda oo shacabka Cadaado uga digtay iney guryo ka kireeyaan Shabaab

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Hey’adda Nabadsugidda oo shacabka Cadaado uga digtay iney guryo ka kireeyaan Shabaab
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliska hey’adda Nabadsugidda ee maamulka Galmudug ayaa soo saaray awaamiir la xiriirta adkeeynta ammaanka deegaannada Galmudug.

Taliyaha ciidanka Nabadsugidda ee ka howlgala deegaannada Galmudug Saadaq Cumar oo warbaahinta kula hadlay degmada Cadaado ayaa ka digay in guryo ama baabuur  laga kireeyo shaqsiyaad aan la hubinin waxa ay yihiin, isagoo mamnuucay in  garoomada diyaaradaha ay ka baxaan, kana soo degaan qof aan la xaqiijin waxa ay tahay.

Related posts

Madacweyne Xasan Sheekh “Caddeey inaad Muwaadin Soomaaliyeed tahay, waxa uuna ka bilaabanayaa qaadashada Kaarka Aqoonsiga NIRA”

Madacweyne Xasan Sheekh “Caddeey inaad Muwaadin Soomaaliyeed tahay, waxa uuna ka bilaabanayaa qaadashada Kaarka Aqoonsiga NIRA”

November 25, 2025
Guddoomiye Maxamuud iyo George Conway oo guddoomiyey kulan muhiim ah

Guddoomiye Maxamuud iyo George Conway oo guddoomiyey kulan muhiim ah

November 25, 2025

Wuxuu sidoo kale ka digay jarista dhirta, isagoo xusay iney talaabo adag ka qaadi doonaan kuwa ku howllan xaalufinta deegaannada hoos yimaada maamulka Galmudug, wuxuuna u mahadceliyay ciidanka booliiska Galmudug oo uu sheegay iney kala qeyb qaataan howlgalada lagula dagaalamayo kooxaha jarista ku haya dhirta.

Taliyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in ciidanku ay qaadayaan howlgallo dheeraad ah oo lagu xaqiijinayo ammaanka, isagoo ka dalbaday bulshada ku dhaqan deegaanada Galmudug iney ciidamada kala shaqeeyaan ammaanka, wuxuuna ku boorriyay dadka deegaanka iney ku soo wargeliyaan ciidamada qofkii ay ka shakiyaan.

,

Previous Post

Wasaaradda haweenka oo qabatay kulan looga tashanayay siyaasadda Qaran ee jinsiga “SAWIRRO”

Next Post

Boqortooyada Sucuudiga oo 47 qofood ku fulisay xukun dil ah

Next Post
Boqortooyada Sucuudiga oo 47 qofood ku fulisay xukun dil ah

Boqortooyada Sucuudiga oo 47 qofood ku fulisay xukun dil ah

Madacweyne Xasan Sheekh “Caddeey inaad Muwaadin Soomaaliyeed tahay, waxa uuna ka bilaabanayaa qaadashada Kaarka Aqoonsiga NIRA”

Madacweyne Xasan Sheekh “Caddeey inaad Muwaadin Soomaaliyeed tahay, waxa uuna ka bilaabanayaa qaadashada Kaarka Aqoonsiga NIRA”

November 25, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta soo xiray Shirweynaha Labaad ee Aqoonsiga Qaranka (SNIDC2025), oo muddo...

Guddoomiye Maxamuud iyo George Conway oo guddoomiyey kulan muhiim ah

Guddoomiye Maxamuud iyo George Conway oo guddoomiyey kulan muhiim ah

November 25, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka SoDMA, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, iyo Ku-xigeenka Ergeyga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya,...

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay horumarinta xiriirka labada dal

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay horumarinta xiriirka labada dal

November 25, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah XFS, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa xafiiskiisa ku soo dhaweeyey Safiirka Dowladda aan...

Guddiga doorashooyinka oo kordhisay wakhtiga soo Gudbinta Liisaska Murashaxiinta

Guddiga doorashooyinka oo kordhisay wakhtiga soo Gudbinta Liisaska Murashaxiinta

November 25, 2025
0

Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS), isaga oo gudanayo waajibaadka Dastuuriga ah iyo awoodaha uu sinayo Xeerka Doorashooyinka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In