Tuesday, July 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Amniga oo ciidanka ku bogaadiyay howlgallada ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdirasaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in ciidamada qalabka sida ay ku guuleesteen ka hortaga weeraro dhowr ah oo Argagixisada ka geysan rabtay qeybo ka mid ah dalka.

Wasiirka amniga oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa xusay in ciidamada ammaanka ay ku guuleysteen fashilinta werarada Al-Shabab ay la damacsanayeen Ummadda Soomaaliyed, isagoo ku booriyay inay xoojiyaan howlgallada looga hortagayo falalka ay maleegayaan argagixisadu.

Related posts

La-Taliyaha Amniga Qaranka oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Jaamacadda Carabta 

La-Taliyaha Amniga Qaranka oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Jaamacadda Carabta 

July 14, 2026
NISA oo Dowlad Deegaanka Soomaalida u gacan gelisay laba eedeysane oo loo haysto dilal

NISA oo Dowlad Deegaanka Soomaalida u gacan gelisay laba eedeysane oo loo haysto dilal

July 14, 2026

“Meelaha shacabka ay leeyihiin marka ay weerar ku soo qaadaan hay’adaha amniga waqti badan kuma qaadato, qibrad badan ayay ciidanku u leeyihiin inay xarunta ka saaraan, iyadoo aan shacabka wax dhib ah ka soo gaarin marka laga furanayo goobaha ay weerarka ku soo qaadan, ciidanka waxaan ku bogaadinayaa inay ka hortagaan dhagarta ay maleegayaan Argagixisada Al-Shabaab” ayuu yiri Mudane Cabdirisaaq.

Wasiirka ayaa shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyay doorka ay ku lahaayeen fashilinta weeraro dhowr ah oo ay Shabaabku bulshada ku gumaadi lahayd, waxaana uu intaa ku daray in shacabka la’aantood aysan ciidamadu wax qaban Karin, loogana baahanyahay inay sii xoojiyaan la shaqeynta laamaha amniga ee dowladda.

Previous Post

Wasiirka Maareeye “Halyeeyga sanadkii tegay waxaan u aqoonsanay askariga Soomaaliyeed”

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

La-Taliyaha Amniga Qaranka oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Jaamacadda Carabta 

La-Taliyaha Amniga Qaranka oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Jaamacadda Carabta 

July 14, 2026
0

Muqdisho, Soomaaliya | 14 Luulyo 2026: La-Taliyaha Amniga Qaranka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Danjire Aweys Xaaji Yuusuf, ayaa maanta Xafiiska...

NISA oo Dowlad Deegaanka Soomaalida u gacan gelisay laba eedeysane oo loo haysto dilal

NISA oo Dowlad Deegaanka Soomaalida u gacan gelisay laba eedeysane oo loo haysto dilal

July 14, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa saraakiil ka socotay Dowlad Deegaanka Soomaalida ku wareejiyay laba nin oo ku...

42 ka tirsan Khawaarijta oo lagu dilay duqeymo ka dhacay deegaanka Goobo ee gobolka Hiiraan

42 ka tirsan Khawaarijta oo lagu dilay duqeymo ka dhacay deegaanka Goobo ee gobolka Hiiraan

July 14, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa xalay fiidkii duqeymo ka fuliyay deegaanka Goobo, oo qiyaastii 10...

Taliyaha Ciidanka XDS oo ka qeybgalay Munaasabadda Maamuuska Leyli Saraakiisha & Leyli Saraakiil xigeen ee CXDS

Taliyaha Ciidanka XDS oo ka qeybgalay Munaasabadda Maamuuska Leyli Saraakiisha & Leyli Saraakiil xigeen ee CXDS

July 14, 2026
0

Taliyaha Ciidanka XDS, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa ka qayb galay munaasabadda maamuuska Leyli Saraakiisha iyo Leyli saraakiil Xigeennada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In