Tuesday, July 1, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xuska dhalashada Nabi Muxamed NNKH oo lagu qabtay Columbus “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
January 3, 2016
in Wararka
0
Xuska dhalashada Nabi Muxamed NNKH oo lagu qabtay Columbus “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xafladan oo ka dhacday mid ka mid ah goobaha ugu waaweyn magaalada Columbus ayaa waxaa ka soo qeybgalay Boqolaal Muslimiin ah oo Soomaali u badan, kuwaa oo ka kala yimid gobolada dalka Mareykanka.

Munaasabadan oo lagu weynaynayay dhalashada Nebi Muxamad NNKH ayaa waxaa Muxadarooyin ku aadan taariikhda suubanaha ka soo jeediyay Culimo caan ka ah Muslimiinta Maraykanka, Kuwaas oo ka kala yimid meelo kala duwan si ay dadka u gaarsiiyaan taariikhda iyo halgankii diiniga ahaa ee Islaamka uu soo maray.

Related posts

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay xuska maalinta xoriyadda iyo midnimada dalka

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay xuska maalinta xoriyadda iyo midnimada dalka

July 1, 2025
Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljika dahsoon

Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljika dahsoon

July 1, 2025

Soomaalida Columbus Ohio oo intooda badan goobjoog ka ahaa ayaa la arkayay iyaga oo si weyn u soo camiray goobta, horayna u soo watay carruurtooda si ay ugu duwaan wadiiqada Islaamiga.

Inkastoo culumaa’udiin aad u badan ay  ka hadleen xaflada waxaa ka mid ahaa, Sheekh Maxamuud Guricel oo ka yimid  Dalka Sweden, Sheekh Saalax Macalin Cabdullaahi  oo ka yimid gobolka Misouri ee dalka Mareykanka, Sheekh  Yuusuf Maxamed Cabdi  oo ka yimid gobolka Kentucky

Dr. Maxamed Tarazi iyo Sheekh Jeremy Campion oo labaduba  ka tirsan Culumada Ohio. waxaase soo jiidtay dareenka iyo indhaha dadka, Ahmedburhan oo loo yaqaan  Ahmed Cadan oo ah wiil yar oo u dhashay dalka Mareykanka oo Islaamay isla markaana dhalashadii Nabiga  ku luuqeynayay Soomaaliga iyo English.

Ka soo qeybgalayaashii Munaasabada ayay culumadu kula dar daarmeen in ay xagsadaan, bartaan, kuna dadaalaan Cilmiga islaamigaa si looga gudbo caqabadaha diimaha ee calamka hareeyay.

Mudadii ay xafladu socotay waxa ay culumado soo bandhigeen qasiidoonyin Nabi amaan ah iyo Taariikho Islaamiya oo la xariira halgankii diinta uu Nabigeena u soo maray.

Xaflada noocan ah oo sanad walba la qabto waxaa ku tookaysta goboladda Ohio iyo Minnesota.

IMG_0033 IMG_0040 IMG_0059 IMG_0085 IMG_0126 IMG_0131 IMG_0163 IMG_0183 IMG_0189 IMG_0196 IMG_0208 IMG_0260 IMG_0264 IMG_0275 IMG_0280 IMG_0312 IMG_0330 IMG_0333 IMG_0342 IMG_0352 IMG_0380 IMG_0399 IMG_0402

Deeqosonna Warsame

 

Previous Post

Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khaliif oo ku geeriyooday Beledweyne

Next Post

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada oo ka tacsiyadeeyey geerida Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif

Next Post

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumada oo ka tacsiyadeeyey geerida Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay xuska maalinta xoriyadda iyo midnimada dalka

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay xuska maalinta xoriyadda iyo midnimada dalka

July 1, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalay munaasabadda xuska sannad guurada 65-aad ee xornimada iyo Midnimada...

Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljika dahsoon

Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljika dahsoon

July 1, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalaya xuska Munaasabadda 1-da Luulyo oo ku astaysan 65-...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo xuska 1-da luulyo la dabaal-degay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Tanzania

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo xuska 1-da luulyo la dabaal-degay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Tanzania

July 1, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa xalay fiidkii oo Isniin ahayd kaga qeybgalay Xuska 65...

Guddoomiye Aadan madoobe oo diray hambalyo ku aaddan 1-da Luulyo

Guddoomiye Aadan madoobe oo diray hambalyo ku aaddan 1-da Luulyo

July 1, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed meel...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In