Wednesday, April 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay qodobo kala duwan

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa, waxaana shir guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumada Mudane Maxamed Cumar Carte, iyadoo kulankan Warbixino looga dhegesytay Wasaarado ku hadlaya magaca guddi hoosaadyada ee golaha, sida guddiyada siyaasada, amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha bulsahda.

Ugu horeyn, Golaha Wasiirada ayaa warbixin ka dhegeystay Wasaaradda Arrimaha Dibedda oo ka warbixisay qaabkii ay dalka looga saaray Diplomaasiyiintii dowladda Iiraan, isaga oo xaqiijiayay inay dalka uga dhoofeen mudadii loo qabtay, sidoo kale waxa ay xaqiijisay Wasaaraddu inay si nabad ah dalka dib ugu soo laabteen Safiirkii iyo Diplomaasiyiintii kale ee dowladda Soomaaliya u fadhiyay dalka Iiraan.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Hoygiisa ku qaabilay qaar ka mid ah Isimada Puntland

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Hoygiisa ku qaabilay qaar ka mid ah Isimada Puntland

April 15, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

April 14, 2026

Sidoo kale, Wasaaradda ayaa ayaa xusay in wixii hanti iyo agab kale ee ay laheyd safaarada Iiraan iyo hay’addihii kale ee hoos imaanayay sida Bisha-cas iyo Al Khumeyni ee ka howlgalayay gudaha dalka ay bed qabaan, dowladana ay gacanta ku heyso, waxaana ay tilmaantay Wasaaradu in dowladda Iiraan ay ka sugayaan inay soo magacaabaan dowlad saddexaad oo wakiil uga ah inay illaaliso danaha dalka Iiraan ee Soomaaliya.

Golaha Wasiirada ayaa warbixin ka dhegeystay Wasaarada Amniga gudaha taasoo ku aadaneyd habkii uu u qabsoomay shirkii maamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe, waxa uuna xusay in shirku u furmay si habsami leh, ayna ka soo qeybgaleen dhamaamba ergooyinkii labada gobol.

Shirka Golaha Wasiirada ayaa lagu meel mariyay xeerka diiwaangelinta shidaalka (Petroleum Registry) oo ay soo gudbisay Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka, waxaana sharcgani uu diiwaangelin doonaa heshiisyadii shidaal ee ay dowladda Soomaaliyeed horay ula gashay shirkaddaha shidaalka baara.
Wasaaradda Waxbarashada ayaa laga dhegeystay warbixin ku aadan u diyaar garowga maalinta far Soomaaliga oo ku beegan Jannaayo 21-keeda, waxayna xustay inay sameynayaan barnaamijyo lagu weyneynayo maalintaas.

Ugu dambeyn, Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga iyo Wasaaradda Haweenka xaquuqul Insaanka ayaa ka warbixiyay u diyaar garowga munaasabado gaar ah oo barbar socon doona shirka Heerka sare ee Wadatashiga (HLPF), oo ka dhici doona magaalada Istanbul ee dalka Turkiga 23-24 Febraayo.

Previous Post

Dhageyso warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Madaxweynaha: “Waxaan ku rajo weynahay in natiijo lagu wada farxo ay ka soo baxdo Madasha Wadatashiga Qaranka ee Kismaayo”+Sawirro

Next Post
Madaxweynaha: “Waxaan ku rajo weynahay in natiijo lagu wada farxo ay ka soo baxdo Madasha Wadatashiga Qaranka ee Kismaayo”+Sawirro

Madaxweynaha: "Waxaan ku rajo weynahay in natiijo lagu wada farxo ay ka soo baxdo Madasha Wadatashiga Qaranka ee Kismaayo"+Sawirro

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Hoygiisa ku qaabilay qaar ka mid ah Isimada Puntland

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Hoygiisa ku qaabilay qaar ka mid ah Isimada Puntland

April 15, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa hoygiisa ku qaabilay, kulan casho ahna kula qaatay qaar ka mid ah...

Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

April 14, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa xafiiskiisa ku qaabilay sii-hayaha Wakiilka Xoghayaha Guud...

Madaxweynaha  Azerbaijan oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirka Soomaaliya

Madaxweynaha Azerbaijan oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirka Soomaaliya

April 14, 2026
0

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Azerbaijan, Mudane Cabdinuur Daahir Fiidow, ayaa si rasmi ah waraaqihiisa aqoonsiga safiirnimo ugu gudbiyay...

Wasiirka Wasaaradda Qoyska oo si rasmi ah u gudbisay Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Daryeelka Carruurta

Wasiirka Wasaaradda Qoyska oo si rasmi ah u gudbisay Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Daryeelka Carruurta

April 14, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhsuumi ayaa maanta si rasmi ah u gudbisay nuqulka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In