Thursday, August 28, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha: “Waxaan ku rajo weynahay in natiijo lagu wada farxo ay ka soo baxdo Madasha Wadatashiga Qaranka ee Kismaayo”+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
January 14, 2016
in Wararka
0
Madaxweynaha: “Waxaan ku rajo weynahay in natiijo lagu wada farxo ay ka soo baxdo Madasha Wadatashiga Qaranka ee Kismaayo”+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ka furey Madasha Wadatashiga Qaranka.

Madasha Wadatashiga Qaranka oo lagu go’aamin doono qaabka ama nooca doorasho ee Soomaaliya ay qaadaneyso sannadka 2016-ka ayaa waxaa ka soo qeybgaley Guddoomiyaha Baarlamanka Federaalka, Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari, Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, Madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada Puntland, Cabdiweli Maxamed Gaas, Koonfuur Galbeed Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan, Galmudug, Cabdikariim Xuseen Guuleed, iyo Jubba, Axmed Maxamed Islaam.

Related posts

IGAD oo soo dhaweysay heshiiska ay wada gaareen Madaxda DFS iyo Madasha Samatabixinta

IGAD oo soo dhaweysay heshiiska ay wada gaareen Madaxda DFS iyo Madasha Samatabixinta

August 27, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Wasiiru-dowlaha Arrimaha dibada Imaaraadka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Wasiiru-dowlaha Arrimaha dibada Imaaraadka

August 27, 2025

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay shirka ayaa sheegay inuu rajeynayo in shirkan ay ka soo baxaan natiijooyin ka farxiya shacabka, isagoo ummadda Soomaaliyeed ugu baaqey inay la yimaadaan isku tanaasul, iyagoo eegaya danta guud iyo dib u yagleelidda dowlad Soomaaliyeed oo nabad, xasilooni iyo horumar u horseedda Soomaaliya oo dhan.

“Waa mahad Allah aan ka soo gudubney xiligii nalagu oran jirey dal fashilmey. Waxan haatan nahay dal dib u soo kabanaya, oo aan dooneyno inaan u dhigno aasaas xooggan oo muhiim u ah mustaqbal wanaagsan oo ay Soomaaliya yeelato. Waxaa naga go’an inaan wixii khilaaf ah ee jira aan wadahadal ku dhameyno, waana sababta keentay inaan dhisno madasha hoggaamiyeyaasha si aan danaha qaranka ugu gorfeyno,” ayuu yiri Madaxweynaha.

Waxaa uu Madaxweynaha intaa ku darey in mabda’a aasaaska u ah Soomaaliya uu yahay wadajirka iyo midnimada, loona baahan yahay in ruux kasta oo Soomaali ah uu u istaago, sidii taasi loo gaari lahaa, isagoo dhanka kalena ku baaqey in lala yimaado dulqaad.

Madaxweyna Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale ku boorriyay shacabka inay yareeyaan cabsida iyo kalsooni darada ka dhalatey dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay.

“Waxaan ku kalsoonahay kuna rajo weynahay in natiiijo wanaagsan ay ka soo bixi doonto wadatashigan aan u fadhino. Soomaaliyada cusub ee aan dhiseyno waa mid ku saleysan dimoqraadiyad, xasilooni, iyo in laga wada qeybgalo, sidaa darteed aaney meesha oolin wax cabsi ah oo la xiriirta mustaqbalka. Waxaan anigoo fursaddan ka faa’iideysanayaa aan doonaya inaan u mahad celiyo beesha caalamka oo mar walba nala garab taagan taageerada aan u baahanahay ee muhiimka u ah dib u dhiska dalkeena’’.

Madaxda kale ee ka qeybgashey furitaanka shirka, ayaa iyaguna khudbado jeediyay, waxaana dhammaantood ay ka mideysnaayeen sida ay diyaarka ugu yihiin, looguna baahan yahay in la isu tanaasulo, loona naxariisto shacabka Soomaaliyeed ee ay colaaddu daashatey.

Madaxda ayaa sidoo kale u mahad celiyay Madaxweynaha maamulka Jubba iyo shacabka gobollada Jubbooyinka sida wanaagsan ee quruxda badan ee ay u martigeliyeen shirkan qiimaha u leh qaranka Soomaaliyeed.

1 2 3 4 5 unnamed

Previous Post

Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay qodobo kala duwan

Next Post

Allaha u naxariistee Abwaan Cali Sugulle oo maanta lagu aasay Hargeysa+Sawirro

Next Post
Allaha u naxariistee Abwaan Cali Sugulle oo maanta lagu aasay Hargeysa+Sawirro

Allaha u naxariistee Abwaan Cali Sugulle oo maanta lagu aasay Hargeysa+Sawirro

IGAD oo soo dhaweysay heshiiska ay wada gaareen Madaxda DFS iyo Madasha Samatabixinta

IGAD oo soo dhaweysay heshiiska ay wada gaareen Madaxda DFS iyo Madasha Samatabixinta

August 27, 2025
0

Xoghayaha fulinta Urur Goboleedka IGAD, Dr. Workneh Gebeyehu, ayaa bayaan ka soo baxay Xafiiskiisa ku sheegay inuu soo dhoweynayo heshiiskii...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Wasiiru-dowlaha Arrimaha dibada Imaaraadka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Wasiiru-dowlaha Arrimaha dibada Imaaraadka

August 27, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayey Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la yeeshay Ku-xigeenka Guddoomiyaha Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka Qaranka Shiinaha

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la yeeshay Ku-xigeenka Guddoomiyaha Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka Qaranka Shiinaha

August 27, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan la yeeshay Ku-xigeenka Guddoomiyaha Guddiga Joogtada ah ee Golaha...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay wafdi ka socday Suudaan

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay wafdi ka socday Suudaan

August 27, 2025
0

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xarunta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In