Tuesday, March 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha: “Waxaan ku rajo weynahay in natiijo lagu wada farxo ay ka soo baxdo Madasha Wadatashiga Qaranka ee Kismaayo”+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha: “Waxaan ku rajo weynahay in natiijo lagu wada farxo ay ka soo baxdo Madasha Wadatashiga Qaranka ee Kismaayo”+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ka furey Madasha Wadatashiga Qaranka.

Madasha Wadatashiga Qaranka oo lagu go’aamin doono qaabka ama nooca doorasho ee Soomaaliya ay qaadaneyso sannadka 2016-ka ayaa waxaa ka soo qeybgaley Guddoomiyaha Baarlamanka Federaalka, Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari, Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, Madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada Puntland, Cabdiweli Maxamed Gaas, Koonfuur Galbeed Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan, Galmudug, Cabdikariim Xuseen Guuleed, iyo Jubba, Axmed Maxamed Islaam.

Related posts

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐝𝐚𝐥 𝐤𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚  𝐔𝐊 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐚𝐜𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤a

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐝𝐚𝐥 𝐤𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐔𝐊 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐚𝐜𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤a

March 10, 2026
Soomaaliya oo cambaareysay weerarrada argagixiso ee ka dhacay Gobolka Zamfara, Nigeria.

Safaaradda Soomaaliya ee Yemen oo dib u bilaabeyso bixinta adeegyada baasaboorka 

March 10, 2026

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay shirka ayaa sheegay inuu rajeynayo in shirkan ay ka soo baxaan natiijooyin ka farxiya shacabka, isagoo ummadda Soomaaliyeed ugu baaqey inay la yimaadaan isku tanaasul, iyagoo eegaya danta guud iyo dib u yagleelidda dowlad Soomaaliyeed oo nabad, xasilooni iyo horumar u horseedda Soomaaliya oo dhan.

“Waa mahad Allah aan ka soo gudubney xiligii nalagu oran jirey dal fashilmey. Waxan haatan nahay dal dib u soo kabanaya, oo aan dooneyno inaan u dhigno aasaas xooggan oo muhiim u ah mustaqbal wanaagsan oo ay Soomaaliya yeelato. Waxaa naga go’an inaan wixii khilaaf ah ee jira aan wadahadal ku dhameyno, waana sababta keentay inaan dhisno madasha hoggaamiyeyaasha si aan danaha qaranka ugu gorfeyno,” ayuu yiri Madaxweynaha.

Waxaa uu Madaxweynaha intaa ku darey in mabda’a aasaaska u ah Soomaaliya uu yahay wadajirka iyo midnimada, loona baahan yahay in ruux kasta oo Soomaali ah uu u istaago, sidii taasi loo gaari lahaa, isagoo dhanka kalena ku baaqey in lala yimaado dulqaad.

Madaxweyna Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale ku boorriyay shacabka inay yareeyaan cabsida iyo kalsooni darada ka dhalatey dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay.

“Waxaan ku kalsoonahay kuna rajo weynahay in natiiijo wanaagsan ay ka soo bixi doonto wadatashigan aan u fadhino. Soomaaliyada cusub ee aan dhiseyno waa mid ku saleysan dimoqraadiyad, xasilooni, iyo in laga wada qeybgalo, sidaa darteed aaney meesha oolin wax cabsi ah oo la xiriirta mustaqbalka. Waxaan anigoo fursaddan ka faa’iideysanayaa aan doonaya inaan u mahad celiyo beesha caalamka oo mar walba nala garab taagan taageerada aan u baahanahay ee muhiimka u ah dib u dhiska dalkeena’’.

Madaxda kale ee ka qeybgashey furitaanka shirka, ayaa iyaguna khudbado jeediyay, waxaana dhammaantood ay ka mideysnaayeen sida ay diyaarka ugu yihiin, looguna baahan yahay in la isu tanaasulo, loona naxariisto shacabka Soomaaliyeed ee ay colaaddu daashatey.

Madaxda ayaa sidoo kale u mahad celiyay Madaxweynaha maamulka Jubba iyo shacabka gobollada Jubbooyinka sida wanaagsan ee quruxda badan ee ay u martigeliyeen shirkan qiimaha u leh qaranka Soomaaliyeed.

1 2 3 4 5 unnamed

Previous Post

Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay qodobo kala duwan

Next Post

Allaha u naxariistee Abwaan Cali Sugulle oo maanta lagu aasay Hargeysa+Sawirro

Next Post
Allaha u naxariistee Abwaan Cali Sugulle oo maanta lagu aasay Hargeysa+Sawirro

Allaha u naxariistee Abwaan Cali Sugulle oo maanta lagu aasay Hargeysa+Sawirro

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐝𝐚𝐥 𝐤𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚  𝐔𝐊 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐚𝐜𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤a

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐝𝐚𝐥 𝐤𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐔𝐊 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐚𝐜𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤a

March 10, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo uu wehliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa sheegay...

Soomaaliya oo cambaareysay weerarrada argagixiso ee ka dhacay Gobolka Zamfara, Nigeria.

Safaaradda Soomaaliya ee Yemen oo dib u bilaabeyso bixinta adeegyada baasaboorka 

March 10, 2026
0

Safiirka JF Soomaaliya ee dalka Yemen Danjire Cabdixakiim Maxamed Axmed oo kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gobolka...

Tartamayaasha Buula-burte oo tartanka ka ciribtirtay Yaaqshiid, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Buula-burte oo tartanka ka ciribtirtay Yaaqshiid, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 9, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐚 𝐪𝐚𝐚𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐚 𝐪𝐚𝐚𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚

March 9, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta xafiiskiisa ku booqday Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In