Saturday, June 7, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha: “Falalka fuleynimada ah ee Al Shabaab ma hakin doonaan hawlgallada milateri ee dalka looga sifeynayo argagixisada”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
January 16, 2016
in Wararka
0
Madaxweynaha: ‘’Kama daali doonno dagaalka, ilamaa aan ka baabi’ino Al Shabaab’’
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya waxaa ka go’an inay si buuxda ugala qeyb qaadato waddamada gobolka dagaalka lagula jiro argagixisada Al Shabaab oo khatar ku ah nabadgelyada Soomaaliya iyo tan gobolka.

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayey weerarkii kooxda Al Shabaab ku beegsatey ciidammada Kenya ee ku sugan gobolka Gedo, kuwaas oo qeyb ka ah hawlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM, ayaa sheegay in falkaasi fuleynimada ah aanu marnaba hakin doonin hawlagallada dalka looga sifeynayo Al Shabaab.

Related posts

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025
Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

June 7, 2025

“Waxaan tacsi dirayaa Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, shacabka iyo ehaladii ay ka baxeen geesiyaashii naftooda ku waayey, iyagoo gudanaya hawl ay nabad uga dhalinayaan Soomaaliya. Soomaaliya waxay si buuxda ula shaqeyneysa Kenya iyo dalalka kale ee ka tirsan AMISOM, dagaalka lagula jiro Al Shabaab oo aan ku rajo weynahay in bilaha soo socda la soo afjari doono. In xididdada loo siibo kooxaha argagixisada ee ku dhuumaaleysanaya Soomaalya ,waxay gacan weyn ka geysan doontaa nabadgelyada gobolka iyo tan caalamka’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Waxaa uu Madaxweynaha intaa ku darey in Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya ciidammada AMISOM, uu hadafkooda koowaad yahay in argagixisada naf la caariga ah laga sifeeyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika iyo caalamka intiisa kale.

 

—- DHAMMAAD——

Previous Post

Barnaamijka Kulanka Todobaadka Oo Looga Hadlay Shirka Kismaayo Iyo Waxa Laga Filan Karo “Dhageyso+Sawirro”

Next Post

Qaramada Midoobay oo xoojineyso taageerada AMISOM ee Soomaaliya

Next Post
Qaramada Midoobay oo xoojineyso taageerada AMISOM ee Soomaaliya

Qaramada Midoobay oo xoojineyso taageerada AMISOM ee Soomaaliya

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025
0

Horjoogeyaal kale oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa ku geeriyooday howlgal qorshaysan oo si wadajir ah ay u fuliyeen Ciidanka...

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

June 7, 2025
0

Xarunta Gargaarka iyo Howlaha Bani’aadantinimada ee Boqor Salmaan oo kaashanaysa hay’adda Xikmo Charity ayaa maanta markale degmada Dayniile ee gobolka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

June 7, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa Xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva -...

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

June 5, 2025
0

Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsanaan doona dalka Yemen mudane Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed),ayaa warqadaha aqoonsiga danjirannimo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In