Saturday, August 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Agaasimihii Radio Muqdisho oo xilka ku wareejiyay Agaasimaha cusub “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Agaasimihii Radio Muqdisho oo xilka ku wareejiyay Agaasimaha cusub “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Agaasimihii hore ee Radio Muqdisho Mudane Cabdirixiin Ciise Caddow ayaa maanta xilka idaacadda ku wareejiyay agaasimaha cusub ee loo soo magacaabay Mudane Axmed Faarax Gaatamow.

Munaasabad uu xilka kula wareegayay agaasimaha cusub ee Radio Muqdisho oo lagu qabtay xarunta idaacadda, uuna ka qeyb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta,  ayaa hadal kooban uu xafladda ka jeediyay Agaasime Cabdirixin Ciise waxa uu ku sheegay in muddadii uu agaasime ka ahaa Radio Muqdisho ay wax badan u qabsoomeen, ayna jiraaan caqabado horyimid, isagoo mahadcelin u jeediyay howlawadeenadii la soo shaqeysay, isla markaana kula dar daarmay inay si hufan ula shaqeeyaan Agaasimaha cusub.

Related posts

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

August 28, 2026
Golaha wasiirada oo ansixiyey xubnin gudiga hirgalinta Dastuurka

Golaha wasiirada oo ansixiyey xubnin gudiga hirgalinta Dastuurka

August 27, 2026

Mudane Axmed Faarax Gaatamow oo la wareegay xilka Agaasimaha Radio Muqdisho ayaa sheegay in uu ku faraxsanahay xilka maanta loo dhiibay, isla markaana uu horey u sii dhaqaajin doono howlihii ay idaacada bulshada u haysay.

Dhawaan wareegto ka soo baxday xafiiska Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa isku shaandheyn lagu sameeyay qaar ka mid ah agasimeyaasha waaxyaha ee Wasaaradda, kuwaasi oo kala ah Agaasime Cabdirixiin Ciise Caddow oo loo magacaabay Agaasimaha Qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah ee Wasaaradda, Agaasime Axmed Faarax Gaatamow oo loo magacaabay Agaasimaha Radio Muqdisho, Agaasime Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-Cadaala oo loo magacaabay Agaasimaha Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed SONNA iyo Agaasime Cabdinaasir Xuseen oo loo magacaabay Agaasimaha Telefishinka Qaranka.

DSC00011 DSC00013 DSC00022 DSC00026  DSC00034 DSC00037 DSC00041 DSC00042

Sawir Qaade:- Farxaan Suleymaan Daahir

 

Previous Post

Wafdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo gaaray Buulo burde

Next Post

Hub iyo Gaadiid Dagaal oo lagu wareejiyay Galmudug “SAWIRO”

Next Post
Hub iyo Gaadiid Dagaal oo lagu wareejiyay Galmudug “SAWIRO”

Hub iyo Gaadiid Dagaal oo lagu wareejiyay Galmudug "SAWIRO"

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

August 28, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay xubno ka...

Golaha wasiirada oo ansixiyey xubnin gudiga hirgalinta Dastuurka

Golaha wasiirada oo ansixiyey xubnin gudiga hirgalinta Dastuurka

August 27, 2026
0

Golaha Wasiirrada XFS ayaa kulankoodii maanta ku ansixiyey in Mudane Cabdulqaadir Cali Macallin Cabdullaahi uu noqdo xubin Guddiga Madaxa-bannaan ee...

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

August 27, 2026
0

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadantinimada ayaa maanta booqasho kormeer ah ku tagtay Xarunta...

AFRICA’S FRONTLINE FIGHT AGAINST FGM NEEDS FUNDING

AFRICA’S FRONTLINE FIGHT AGAINST FGM NEEDS FUNDING

August 27, 2026
0

Africa already has proven frontline/survivor led models that are working to end Female Genital Mutilation (FGM). The urgent question is...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In