Saturday, February 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

War-murtiyeed: Wada-xaajoodkii Kismaayo ee Hoggaamiyayaasha Madasha Wadatashiga Qaran

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha oo furay shirka madasha Wada-tashiga heerka Qaran
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulanka hoggaamiyayaasha Madasha Wadatashiga Qaran oo ay ka soo qaybgaleen Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Mudane Maxamad Sh. Cusmaan Jawaari, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke, Madaxweynaha Puntland, Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha Koonfur-Galbeed, Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan, iyo Madaxweynaha Galmudug Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed, wasiirro ka tirsan Xukuumadda Fedaraalka ah iyo Xildhibaano Baarlamaanka Federaalka ka tirsan, wasiiro iyo xildhibaano ka socda dowlad goboleedyada iyo guddiyada hawlwadeenada iyo farsamada.

Kulankan oo lagu qabtay magaalada Kismaayo, 10-14 Janaayo 2016, waxaa uu daba socdey baaqii Muqdisho ee 16 Diseember 2015 ka soo baxay kulankii madasha wadatashiga Qaranka ee labaad.

Related posts

Wasaaradda Duulista XFS oo jawaab ka bixisay warar been abuur ah oo laga faafiyey

Wasaaradda Duulista XFS oo jawaab ka bixisay warar been abuur ah oo laga faafiyey

February 28, 2026
Mareykanka iyo Israa’iil oo weeraro duqaymo ah ka gaystay Iiraan

Mareykanka iyo Israa’iil oo weeraro duqaymo ah ka gaystay Iiraan

February 28, 2026

Madaxda Qaranka iyo kuwa dowlad gobolleedyadu waxay dadaal dheer u galeen ka mira dhalinta wadaxaajoodka Kismaayo, ee xulashada qaab doorasho oo la dhaqan gelin karo 2016-ka, iyo qorshaha meelmarinta hab doorasho. Waxaay si qoto dheer uga wada hadleen sidii ay isugu waafaqi lahaayeen qaab doorasho oo wadar ogol ah, kaa soo waafaqsan Baaqii Muqdisho.

Haddaba madaxdu iyagoo ogsoon xilliga lagu jiro iyo sida shacabka Soomaaliyeed uga dhursugayaan natiijada shirkaan ayaa waxey ku faraxsanyihiin tallaaboyinka wax ku ool ka ah ee la qaadey iyo jawigii wanaagsanaa ee wadahadaladu ku qabsoomeen.

Guud ahaan wax badan ayay madaxdu isla meel dhigeen, waxyaabaha xaga farsadama la xiriira ee harsana waxaa lagu dhamayn doonaa kulanka ay martigelin doonto dowlada Fedaraalka Soomaaliya oo dhowaan la qaban doono.

Dhamaan Madaxda kala duwan iyo ergada madashu waxay si gaar ah oo aan la soo koobi Karin ugu mahad celinayaan dowlad goboleedka Jubbaland iyo shacabka ee sida wanaagsan ee gobanimada leh u martigeliyey ergooyinkii madasha.

Previous Post

Madaxweynaha oo maanta kulankii ugu horreeyay la yeeshay Wakiilka cusub ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya “SAWIRRO”

Next Post

R/wasaaraha oo ka qeybgalay kulan looga hadlayay arrimaha Federalka

Next Post
RW Sharma’arke:  “Dagaallada ku soo noq-noqday Deefow iyo Xarardheere waa kuwo aan loo qiil dayi karin”

R/wasaaraha oo ka qeybgalay kulan looga hadlayay arrimaha Federalka

Wasaaradda Duulista XFS oo jawaab ka bixisay warar been abuur ah oo laga faafiyey

Wasaaradda Duulista XFS oo jawaab ka bixisay warar been abuur ah oo laga faafiyey

February 28, 2026
0

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya waxay si cad u beeninaysaa wararka been abuurka ah ee maalmahan lagu baahinayay baraha...

Mareykanka iyo Israa’iil oo weeraro duqaymo ah ka gaystay Iiraan

Mareykanka iyo Israa’iil oo weeraro duqaymo ah ka gaystay Iiraan

February 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Israa’iil ayaa sheegtay inay gantaal ku weerartay Iiraan, halka sarkaal Mareykan ah uu u sheegay Al Jazeera in Mareykanku...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal amni xaqiijin ah ka fuliyay qaybo kamid ah bariga Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal amni xaqiijin ah ka fuliyay qaybo kamid ah bariga Hiiraan

February 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO(HIIRAAN):-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta fuliyay howlgal qorsheysan oo ka dhacay bariga gobolka Hiiraan, kaas oo qayb ka...

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo kulan Afurin ah ku qabatay xarunta Safaaradda ee magaalada Nairobi

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo kulan Afurin ah ku qabatay xarunta Safaaradda ee magaalada Nairobi

February 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO(NAIROBI):-Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Nairobi ayaa martigelisay  Cashadii Sannadlaha ahayd ee Afurka, taas oo xalay lagu qabtay Xarunta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In