Booliiska dalka Kenya ayaa lagu soo waramayaa in magaalada Malindi ay ku dileen Afar qof oo la doon-doonayay kuwaasoo sida la sheegay ku jiray falal argagixisanimo, waxaana laga helay bistoolad iyo shan bambooyin oo ah kuwa gacanta laga tuuro.
Booliiska Kenya ayaa sheegay in ragga la dilay uu ka mid ahaa Suleymaan Maxamed Awad oo madaxiisa ay ciidanka booliiska dul dhigeen abaal marin lacageed oo dhan laba Milyan oo Kenya Shillin ah.
Howlgalka ay ciidmada Kenya ku dileen raggaasi ayaa qaatay wax ka yar 10 daqiiqo, iyadoo ay ka qeyb qaateen unugga la dagaalanka argagixisada ee Mombasa.
Saraakiisha booliiska Kenya ayaa laga xoo xigtay in ka hor intii aanan howlgalka la qaadin ay ogaadeen meesha ay ku dhuumaaleysanayeen raggaasi tuhmanayaasha ah waxeyna saraakiishu xuseen in ragaasi ay diideen iney usdhiibaan ka hor inta aan la toogan.