Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha: “Koox yar oo ka been sheegeysa diinta Islaamka ma burburin karto rajada shacabkeena oo ah nabad iyo barwaaqo inay ku noolaadaan’’

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka, Xulashada
0
Madaxweynaha: “Koox yar oo ka been sheegeysa diinta Islaamka ma burburin karto rajada shacabkeena oo ah nabad iyo barwaaqo inay ku noolaadaan’’
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 22 January 2016: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed uu u dhaqaaqey inay nabad iyo barwaaqo ku noolaadaan, iyagoo dhinac iska dhigaya waayihii mugdiga ahaa ee ay soo mareen.

Madaxweynaha oo ka hadlayey falkii kooxaha ay ka luntey jihada diinta Islaamka ay ka geysteen xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in Al Shabaab ay doorbideen inay beegsadaan carruur, haween, iyo dad shacab ah oo ku nasanayey makhaayadaha, taasina ay caddeyn u tahay in argagixisada iyagoo naf la caari ah ay doonayaan inay goobaha shacabka u bedelaan goobo dagaal.

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026

“Allah u naxariistee shuhadadii xaley ku naf waayey falkaasi diinta Islaamka ka baxsan ee argagixisadu ay geysteen. Dad shacab ah oo daqiiqado ka hor gutey waajibaadka salaadda ayay ahaayeen, kuwaas oo halkaasi ku nasanayey, kadib toddobaad dheer oo ay qaranka u adeegayeen. Meelna ugama jirto diinteena Islaamka ee saliimka ah in shacab la xasuuqo. Waxaan Ilaahay uga baryayaa kuwa naftooda ku waayey inuu Jannatul Fardowsa ka waraabiyo, kuwaa dhaawacmeyna uu deg-deg u caafiyo’’.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyey sidii degdegga ahayd ee Ciidammada Qalabka Sida ay uga jawaabeen weerarkaasi fuleynimada ah ee Al Shabaab, isagoo sheegay in argagixisada uu waqtigooda sii dhammaanayo, jabka ay kala kulmeen ciidanka dowladda awgeedna ay u beegsanayaan rayidka.

Previous Post

Madaxweynaha Ruushka oo lagu Eedeeyay Summeyn

Next Post

Raisul Wasaaraha Xukuumada oo shacabka ugu baaqay inay u midoobaan la dagaalka argagixisada

Next Post
Raisul Wasaaraha Xukuumada oo shacabka ugu baaqay inay u midoobaan la dagaalka argagixisada

Raisul Wasaaraha Xukuumada oo shacabka ugu baaqay inay u midoobaan la dagaalka argagixisada

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In