Friday, January 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Ruushka oo lagu Eedeeyay Summeyn

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Ruushka oo lagu Eedeeyay Summeyn
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xaakim British ah, ayaa khamiista (1/21/2016) sheegay in madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu ansixiyey qorshe lagu sumeeyey Alexander Litvinenko, oo ahaa jaajuus ka tirsanaa hay’adda sirdoonka Russia ee KGB.

Litvinenko ayaa geeriyooday 10 sano ka hor kadib markii uu cabay koob shaah ah, oo xaakim Robert Owen u sheegay in loogu daray sun.

Related posts

Kulan looga hadlayay ka jawaabidda xaaladda abaaraha oo lagu qabtay xarunra Hay’adda SoDMA

Kulan looga hadlayay ka jawaabidda xaaladda abaaraha oo lagu qabtay xarunra Hay’adda SoDMA

January 15, 2026
Shirka Wasiirada Macdanta Jaamacadda Carabta oo ka dhacay Dalka Sucuudiga

Shirka Wasiirada Macdanta Jaamacadda Carabta oo ka dhacay Dalka Sucuudiga

January 15, 2026

Waxa yar kahor inta uusan geeriyoon, ayaa Litvinenko isaga oo saaran sariirtii uu ku naf baxay, waxa uu ku eedeeyey Putin inuu bixiyey amarka lagu khaarijiyey.

Warbixin muddo la sugayey oo uu soo saaray, ayuu Owen ku sheegay in Dmitry Kovtun iyo Andrei Lugovoi oo ka tirsanaa KGB-da, ay fuliyeen dilka oo ay maleegtay hay’adda FSB ee Ruushka, oo ah hay’adda beddeshay KGB.

Labada nin ayaa waxa ay qirteen inay Litvinenko kula kulmeen magaalada London dhowr goor, oo ay ku jirto marka la tuhunsan yahay in sumeyntu ay dhacday, hase yeeshee waxa ay beeniyeen inay ku lug lahaayeen geeridiisa.

Russia waxa ay diiday inay labadaas nin usoo masaafuriso Britain, si loo maxkamadeeyo.

Litvinenko, ayaa noqday nin aan hadalka la gabban oo dhaleeceeyey Putin, kahor inta uusan kasoo cararin Russia sanadii 2000, oo uusan usoo guurin London.

Previous Post

Al Shabaab lagu dilay Shabeellaha Dhexe

Next Post

Madaxweynaha: “Koox yar oo ka been sheegeysa diinta Islaamka ma burburin karto rajada shacabkeena oo ah nabad iyo barwaaqo inay ku noolaadaan’’

Next Post
Madaxweynaha: “Koox yar oo ka been sheegeysa diinta Islaamka ma burburin karto rajada shacabkeena oo ah nabad iyo barwaaqo inay ku noolaadaan’’

Madaxweynaha: “Koox yar oo ka been sheegeysa diinta Islaamka ma burburin karto rajada shacabkeena oo ah nabad iyo barwaaqo inay ku noolaadaan’’

Kulan looga hadlayay ka jawaabidda xaaladda abaaraha oo lagu qabtay xarunra Hay’adda SoDMA

Kulan looga hadlayay ka jawaabidda xaaladda abaaraha oo lagu qabtay xarunra Hay’adda SoDMA

January 15, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed mudane Maxamuud Macallin Cabdulle iyo Ku Xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud u qaabilsan...

Shirka Wasiirada Macdanta Jaamacadda Carabta oo ka dhacay Dalka Sucuudiga

Shirka Wasiirada Macdanta Jaamacadda Carabta oo ka dhacay Dalka Sucuudiga

January 15, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiwahab Cabdi Cumar (Cananuug), oo la hadlay Warbaahinta Qaran...

Madaxweynaha Algeria oo la gaarsiiyay dhambaal ka socotay Madaxweynaha JFS

Madaxweynaha Algeria oo la gaarsiiyay dhambaal ka socotay Madaxweynaha JFS

January 15, 2026
0

Madaxweynaha Algeria Abdelmadjid Tebboune ayaa qaabilay Faarax Sheikh Cabdulqaadir Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha ahna Wasiirka Waxbarashada XFS, kaasoo farriin...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormeeray ciidamada XDS & Daraawiishta Waqooyi Bari

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormeeray ciidamada XDS & Daraawiishta Waqooyi Bari

January 15, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa maanta kormeer ugu tagay cutubyo ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In