Tuesday, July 22, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Cutubyo ka tirsan ciidamada Jabuuti ee AMISOM oo xalay sagootin loo sameeyay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
January 23, 2016
in Wararka
0
Cutubyo ka tirsan ciidamada Jabuuti ee AMISOM oo xalay sagootin loo sameeyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabad lagu sagootinayay ciidamada Hiil Walaal ee Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa xalay lagu qabtay magaalada Baledweyne, taasi oo ay ka qeybgaleen maamulka iyo bulshada gobolka Hiiraan.

Munaasabadda oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa ahayd mid lagu sagootinayay cutubyo ka tirsn ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Jabuuti, halka lagu soo dhaweyanyay kuwa kale oo ka howlgeli doona gobolka Hiiraan, iyadoo faniin goobta heeso ka qaaday ay ku soo bandhigeen suugaan ka hadlaysa waxqabadka ciidamada la sagootinayay.

Related posts

Wasiirka Amniga Guddaha oo warbixin ka dhageystay saraakiish Booliska K/Galbeed.

Wasiirka Amniga Guddaha oo warbixin ka dhageystay saraakiish Booliska K/Galbeed.

July 22, 2025
Wasiirka Kalluumeysiga XFS oo sheegay in ay taageerayaan cid kasta oo maalgashanaysa horumarinta dhaqaalaha badda

Wasiirka Kalluumeysiga XFS oo sheegay in ay taageerayaan cid kasta oo maalgashanaysa horumarinta dhaqaalaha badda

July 22, 2025

Qaar ka mid ah qeybaha bulshada oo ka hadlay aya sheegay inay aad ugu faraxsanyiiin waxyaabaha ay u qabteen ciidamada AMISOM.

Guddomiyaha Beledweyne Macalin Cismaan Cadbi Qalaafoow ayaaa sheegay in shacabka aysan hilmaami doonin tallaabadiii cidamada AMISOM ay ka qaateen sugidda amiga degmada Beledweyn

Kornayl Tawane Axmed Gureey oo ah taliyaha guutada tobnaad ee ciidamada xoogga dalka ayaa sheegay in ciidamadan ay door badan ka qaateen dhanka howlgallada iyo dib u dhiska ciidamada xoogga dalka.

“Waxaa inoo gaar ah in tani maalin farxadeed noo tahay, ma hilmaami doono, anagu waxaan nahay carruur ay dhaleen, isla markaana soo bar baaray. Ayuu yiri Kornayl Tawane.

Kornal Cismaan Dubad ayaa ka mahadceliyay saddexda sano iyo barka sida ay ula dhaqmeen shacabka reer Jabuuti, waxaana uu intaa raaciyay in qalbiyadoodu aysan ka go’I doonin bulshada gobolka.

“Ma halmaami doono muddadii aan wada joognay iyo sida ay inoola shaqeeyeen, soo dhaweyn fiican ayaan idinkala kulanay, waxaana ka marqaaati kacayaa in bulshada gobolka Hiiraan ay yihiin kuwa Nabadda Jecel.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiran Yuusuf Axmed Hagar Yuusuf Dabageed ayaa sheegay in bulshada iyo intii ka horeysay ay faah faahin rasmi ah ka bixiyeen waxqabadka ciidamada Hiil Walaal ee Jabuuti, isla markaana qeyb ka ahaa howlgalka Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM, waxaana uu intaa ku daray in cutubyo kale ay iminka ka joogaan gobolka, lana shaqeeyo sida ugu haboon.

“Hil walaal ma tegin ee way joogtaa, ee sida aan ula shaqeyn jirnay aan ula shaqeyno, runtii waxa ay inoo qaban jireen haddana diyaar ayay weli inoo yihiin” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan.

Previous Post

Madaxweynaha Galmudug oo cambaareeyay weerarkii argagixiso ee xalay ka dhacay Liido

Next Post

Deegaanka Dacooleey oo laga hirgelinayo goobo caafimaad iyo waxbarasho

Next Post
Cadaado oo laga taageeray Golaha Wasiirada

Deegaanka Dacooleey oo laga hirgelinayo goobo caafimaad iyo waxbarasho

Wasiirka Amniga Guddaha oo warbixin ka dhageystay saraakiish Booliska K/Galbeed.

Wasiirka Amniga Guddaha oo warbixin ka dhageystay saraakiish Booliska K/Galbeed.

July 22, 2025
0

Wasiirka Amniga Guddaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa ka dhageystay Saraakiisha Booliska Dowlad Goboleedka Koonfur...

Wasiirka Kalluumeysiga XFS oo sheegay in ay taageerayaan cid kasta oo maalgashanaysa horumarinta dhaqaalaha badda

Wasiirka Kalluumeysiga XFS oo sheegay in ay taageerayaan cid kasta oo maalgashanaysa horumarinta dhaqaalaha badda

July 22, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee XFS Mudane Axmed Xasan Aadan ayaa qaabilay ganacsato isugu jirta Soomaaliyeed iyo...

Wasiirka arrimaha dibadda XFS oo ugu baaqay qurbajoogta in ay taageeraan ciidamada qalabka sida

Wasiirka arrimaha dibadda XFS oo ugu baaqay qurbajoogta in ay taageeraan ciidamada qalabka sida

July 22, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali,ayaa ka hadlay kaalinta muhiimka ah ee qurba-joogta Soomaaliyeed ay qaadanayeen...

Ra’iisulwasaare Xamsa: “Qurbajoogta Soomaaliyeed waxa ay laf-dhabar u yihiin Hiigsiga 2060 ee Soomaaliya”

Ra’iisulwasaare Xamsa: “Qurbajoogta Soomaaliyeed waxa ay laf-dhabar u yihiin Hiigsiga 2060 ee Soomaaliya”

July 22, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in Qurbajoogta Soomaaliyeed ay udub dhexaad u yihiin...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In