Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Galmudug oo cambaareeyay weerarkii argagixiso ee xalay ka dhacay Liido

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Galmudug oo cambaareeyay weerarkii argagixiso ee xalay ka dhacay Liido
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed oo saxaafadda kula hadlay magaalada Cadaado ayaa si weyn u cambaareeyay weerarkii bahalnimada ahaa ee Sharwadayaasha al-Shabaab ku qaadeen xalay xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay inuu weerarkaasi ahaa mid waxuushnimo oo ay kooxdaasi ku doonayeen inay indhaha ka xiraan Shacabka Soomaaliyeed waxuuna hoosta ka xariiqay inay weerarkaasi la beegsadeen indhihii Shacabka gaar ahaan Arday ka qalin jabisay Jaamacadaha, Aqoonyahano, Siyaasiyiin, Haween iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa sheegay in falalka argagixiso ee noocan ahi aysan hakin doonin geedi socodka nabadda iyo dib u dhiska dalka, waxuuna sheegay in weerarada ceykan oo kale ah ee lagu bartilmaameedsanayo dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan ay soo gaabinayaan cimriga kooxaha nabad-diidka ah ee gumaadka ku haya dadka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Galmudug ayaa Tacsi u diray dhamaan dadkii ku geeriyooday weerarkaasi waxuuna si gaar ah ugu Tacsiyeeyay Qoyskii, Qaraabadii iyo Barlamaanka Galmudug oo uu weerarkaasi ugu geeriyooday Xildhibaan Bille Maxamuud Diiriye oo kamid ahaa Xildhibaanada ugu firfircoon ee Barlamaanka dowlad goboleedka Galmudug

Ugu dambeyntii, Madaxweyne Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa bogaadiyey sidii degdegga ahayd ee Ciidammada Ammaanka uga jawaabeen weerarkaasi fuleynimada ah ee Al Shabaab, isagoo sheegay in argagixisada uu waqtigooda sii dhammaanayo, jabka ay kala kulmeen ciidanka dowladda awgeedna ay u beegsanayaan rayidka

Previous Post

Dowladda South Africa oo si kulul u cambaareeysay weerarki argagixiso ee ka dhacay xeebta Liido

Next Post

Cutubyo ka tirsan ciidamada Jabuuti ee AMISOM oo xalay sagootin loo sameeyay

Next Post
Cutubyo ka tirsan ciidamada Jabuuti ee AMISOM oo xalay sagootin loo sameeyay

Cutubyo ka tirsan ciidamada Jabuuti ee AMISOM oo xalay sagootin loo sameeyay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In