Wednesday, August 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Cutubyo ka tirsan ciidamada Jabuuti ee AMISOM oo xalay sagootin loo sameeyay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Cutubyo ka tirsan ciidamada Jabuuti ee AMISOM oo xalay sagootin loo sameeyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabad lagu sagootinayay ciidamada Hiil Walaal ee Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa xalay lagu qabtay magaalada Baledweyne, taasi oo ay ka qeybgaleen maamulka iyo bulshada gobolka Hiiraan.

Munaasabadda oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa ahayd mid lagu sagootinayay cutubyo ka tirsn ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Jabuuti, halka lagu soo dhaweyanyay kuwa kale oo ka howlgeli doona gobolka Hiiraan, iyadoo faniin goobta heeso ka qaaday ay ku soo bandhigeen suugaan ka hadlaysa waxqabadka ciidamada la sagootinayay.

Related posts

Soomaaliya iyo Masar oo ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo amniga Geeska Afrika

Soomaaliya iyo Masar oo ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo amniga Geeska Afrika

August 19, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya

August 19, 2026

Qaar ka mid ah qeybaha bulshada oo ka hadlay aya sheegay inay aad ugu faraxsanyiiin waxyaabaha ay u qabteen ciidamada AMISOM.

Guddomiyaha Beledweyne Macalin Cismaan Cadbi Qalaafoow ayaaa sheegay in shacabka aysan hilmaami doonin tallaabadiii cidamada AMISOM ay ka qaateen sugidda amiga degmada Beledweyn

Kornayl Tawane Axmed Gureey oo ah taliyaha guutada tobnaad ee ciidamada xoogga dalka ayaa sheegay in ciidamadan ay door badan ka qaateen dhanka howlgallada iyo dib u dhiska ciidamada xoogga dalka.

“Waxaa inoo gaar ah in tani maalin farxadeed noo tahay, ma hilmaami doono, anagu waxaan nahay carruur ay dhaleen, isla markaana soo bar baaray. Ayuu yiri Kornayl Tawane.

Kornal Cismaan Dubad ayaa ka mahadceliyay saddexda sano iyo barka sida ay ula dhaqmeen shacabka reer Jabuuti, waxaana uu intaa raaciyay in qalbiyadoodu aysan ka go’I doonin bulshada gobolka.

“Ma halmaami doono muddadii aan wada joognay iyo sida ay inoola shaqeeyeen, soo dhaweyn fiican ayaan idinkala kulanay, waxaana ka marqaaati kacayaa in bulshada gobolka Hiiraan ay yihiin kuwa Nabadda Jecel.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiran Yuusuf Axmed Hagar Yuusuf Dabageed ayaa sheegay in bulshada iyo intii ka horeysay ay faah faahin rasmi ah ka bixiyeen waxqabadka ciidamada Hiil Walaal ee Jabuuti, isla markaana qeyb ka ahaa howlgalka Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM, waxaana uu intaa ku daray in cutubyo kale ay iminka ka joogaan gobolka, lana shaqeeyo sida ugu haboon.

“Hil walaal ma tegin ee way joogtaa, ee sida aan ula shaqeyn jirnay aan ula shaqeyno, runtii waxa ay inoo qaban jireen haddana diyaar ayay weli inoo yihiin” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan.

Previous Post

Madaxweynaha Galmudug oo cambaareeyay weerarkii argagixiso ee xalay ka dhacay Liido

Next Post

Deegaanka Dacooleey oo laga hirgelinayo goobo caafimaad iyo waxbarasho

Next Post
Cadaado oo laga taageeray Golaha Wasiirada

Deegaanka Dacooleey oo laga hirgelinayo goobo caafimaad iyo waxbarasho

Soomaaliya iyo Masar oo ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo amniga Geeska Afrika

Soomaaliya iyo Masar oo ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo amniga Geeska Afrika

August 19, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, iyo dhiggiisa dalka Masar, Badr Abdelatty, ayaa Talaadadii khadka taleefanka wada-hadal ku...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya

August 19, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay safiirka Boqortooyada...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐗𝐉𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐐𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐃𝐚𝐧𝐣𝐢𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐇𝐢𝐧𝐝𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐗𝐉𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐐𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐃𝐚𝐧𝐣𝐢𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐇𝐢𝐧𝐝𝐢𝐲𝐚

August 18, 2026
0

Ra'iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa qaabbilay Danjiraha cusub ee dalka Hindiya u soo magacowday...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo daahfurtay Sharciga Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed

August 18, 2026
0

Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Muqdisho ku daahfurtay Sharciga Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed, oo ah Sharci...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In