Friday, February 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiye Jawaari Oo Kulammo La Qaatay Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Turkey,Iraq Iyo Pakistan “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Guddoomiye Jawaari Oo Kulammo La Qaatay Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Turkey,Iraq Iyo Pakistan “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” oo wafdi uu hogaaminayo ay magaalada Baqdaad uga qeybgaleen shirka Baarlamaannada dalalka Iskaashiga Islaamka ayaa kulammo gaar gaar ah la qaatay Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada dalalka Turkey, Iraq iyo Pakistan.

Kulankii ugu horeeyey ayuu Guddoomiyaha Baarlamaanka la qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka Pakistan Sardar Ayaz Sadiq ayadoo kulankaasina looga wada hadlay abuuridda iskaashi iyo xiriir wada shaqeyn oo dhex mara labada Baarlamaan ee Soomaaliya iyo Pakistan iyo adkeynta danaha Baarlamaannada dunida muslimka ayadoo labada Guddoomiyena ay taasi qalinka ku wada duugeen.

Related posts

Tartamayaasha Kismaayo oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Kismaayo oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

February 27, 2026
Tartamayaasha Degmada Dhuusamareeb oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Dhuusamareeb oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

February 27, 2026

Sidoo kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” ayaa kulan gaar ah oo ku saabsan xoojinta wada shaqeynta iyo iskaashiga Baarlamaannada mataannaha ah ee Soomaaliya iyo Tukriga la qaatay Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Turkiga ee isagu la doortay dhammaadka sanadkii tagay ee 2015 İsmail Kahraman waxaana kulankaasi looga wada hadlay xoojinta shaqada guddiyada labada Baarlamaan u qaabishan saaxiibtinimada Soomaaliya iyo Turkiga iyo in la dedejiyo dhismaha gurriga Umadda Soomaaliyeed kaasi oo ay horey u ballan qaaday dowladda Turkiga.

Kulankii ugu dambeeyey waxa uu Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya la qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka uu dalkiisu marti geliyey sanadkan shirka Baarlamaannada dalalka Iskaashiga Islaamka oo ah Ciraaq Dr Salim Al-Jabouri waxaana kulankaasi looga wada hadlay sidii loo mataaneyn lahaa Baarlamaannada Soomaaliya iyo Ciraaq ayadoo taasina ay labada Guddoomiye hoosta ka wada xariiqeen.

Dhammaan kulammada uu Guddoomiyaha Baarlamaanka la qaatay Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada dalalka Turkey,Iraq iyo Pakistan waxaa goobjoog ka ahaa Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Mudane C/kariin Xaaji Cabdi (Buux) iyo safiirka dowladda Soomaaliya u fadhisa dalka Ciraaq Marwo Khadija Maxamed Almakhzoumi .

Gud Jawaari Kulammo Baqdaad (1) Gud Jawaari Kulammo Baqdaad (2) Gud Jawaari Kulammo Baqdaad (3) Gud Jawaari Kulammo Baqdaad (4) Gud Jawaari Kulammo Baqdaad (5) Gud Jawaari Kulammo Baqdaad (6) Gud Jawaari Kulammo Baqdaad (8) Gud Jawaari Kulammo Baqdaad (9) Gud Jawaari Kulammo Baqdaad (10) Gud Jawaari Kulammo Baqdaad (11)

—-DHAMMAAD—-

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Guddoonka Baarlamaanka

Media & Public Relation office of Speaker

Previous Post

Guddoonka Baarlamaanka Oo Ka Tacsiyadeeyey Geerrida Marxuum Cabdi Xaaji Goobdoon

Next Post

Ra’iisul Wasaare Cumar “ Cabdi Xaaji Goob-doon wuxuu ahaa tiir ay tabi doonaan guud ahaan dadka Soomaaliyeed”.

Next Post
Ra’iisul Wasaare Cumar “ Cabdi Xaaji Goob-doon wuxuu ahaa tiir ay tabi doonaan guud ahaan dadka Soomaaliyeed”.

Ra’iisul Wasaare Cumar “ Cabdi Xaaji Goob-doon wuxuu ahaa tiir ay tabi doonaan guud ahaan dadka Soomaaliyeed”.

Tartamayaasha Kismaayo oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Kismaayo oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

February 27, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Tartamayaasha Degmada Dhuusamareeb oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Dhuusamareeb oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

February 27, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan mira-dhal ah la qaatay hoggaanka Ururrada siyaasadda

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan mira-dhal ah la qaatay hoggaanka Ururrada siyaasadda

February 26, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay hoggaanka ururrada siyaasadda ee...

Madaxweynaha Galmudug oo guddoomiyey shir ka golaha Wasiirada

Madaxweynaha Galmudug oo guddoomiyey shir ka golaha Wasiirada

February 26, 2026
0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa maanta guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirrada, iyadoo uu goobjoog ahaa Madaxweyne ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In