Dowlada Sweden ayaa shaacisay in ay qorsheynayso in dalkeeda ay ka musaafuriso 80,000 oo dad magan galyo doon ah, kuwaas oo ah dadkii codsiyadooda la aqbali waayay isla markaana ahaa dhowaan wadanka soo galay.
Masโuul ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha oo lagu magacaabo Anders Ygeman in diyaarado lagu daabuli doono dadkaan, waxaana tallaabadani ay socon doontaa muddo sanada ah.
โWaxaanu ka hadleynaa dad gaaraya 60,000 balse tirada waxaa ay gaari doontaa 80,000,โ ayuu yiri Mr Ygeman oo la hadlay warbaahinta dalka Sweden.
Sanadi lasoo dhaafay ee 2015 oo qura waxaa dalkasi magan galyo weydiistay ilaa iyo 163,000 oo qaxooti ah, waxaa lagu sheegaa tiradi ugu badneyd ee dal Yurub ah iska dhiibta.
Sanadkii hore waxaa la eegay kiiska 57 kun oo ruux, waxaana laga aqbalay 55%.
Inkasta oo aanan la sheegin dalalka ay u dhasheen qaxootigaan, ayaa waxaa la saadaalinayaa in ay ku jiri doonaan qaxootiga Soomaaliyeed ee iyagu aanan wali la aqbalin.
๐๐โ๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐ ๐๐ฎ ๐๐ข๐ ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐ ๐ ๐จ๐จ ๐ ๐ฎ๐ซ๐๐ฒ ๐๐๐๐๐ฌ๐ก๐ ๐๐ฌ๐ค๐ฎ-๐๐ข๐ซ๐ค๐ ๐๐๐ง๐๐๐ฌ๐ข๐ ๐ ๐๐จ๐จ๐ฆ๐๐๐ฅ๐ข๐ฒ๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ก๐ข๐ข๐ง๐๐ก๐
Raโiisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u furay Madasha Isku-xirka Ganacsiga...












