Saturday, May 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha: ‘’Waa hubaal inaan Al Shabaab ka adkaaneyno, waxaana mar kale xaqiijinayaa in Kenya iyo Soomaaliya ay si wadajir ah ula dagaalamayaan argagixisada”Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka, Xulashada
0
Madaxweynaha: ‘’Waa hubaal inaan Al Shabaab ka adkaaneyno, waxaana mar kale xaqiijinayaa in Kenya iyo Soomaaliya ay si wadajir ah ula dagaalamayaan argagixisada”Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta magaalada Eldoret ee dalka Jamhuuriyadda Kenya kaga qeybgaley baroor-diiq qaran oo loo sameeyay ciidammadii dhowaan Kenya looga dilay degaanka Ceel Cadde ee gobolka Gedo ee dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha oo kulankaasi khudbad ka jeediyay ayaa ugu horeyntii tacsi u diray shacabka, dowladda iyo madaxda Kenya, isagoo sheegay in Soomaaliya ay murugada iyo tiiraanyada la qeybsaneyso reer Kenya.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Wakiillada Beesha Caalamka ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Madaxweynaha JFS oo Golaha Mustaqbalka ku casuumay kulan wadatashi ah

May 2, 2026
Ku-simaha Wasiirka Shaqada XFS oo ka qeybgashay Xuska Maalinta Shaqaalaha

Ku-simaha Wasiirka Shaqada XFS oo ka qeybgashay Xuska Maalinta Shaqaalaha

May 2, 2026

“Waxan halkan u imid inaan idin kala qeybgalo baroor -diiqda loo sameynayo geesiyaashii idinkaga dhintey Soomaaliya, kuwaas oo qeyb ka ahaa hawlgalka lagu nabadeynayo dalkeena. Fariinta aan idin wado waxay tahay inaan idin mahad celiyo, aana idin ku bogaadiyo taageerada aad inoo fidiseen xilli aad u adag. Weligeen waan idin garab istaagi doonaa, ilaa aan nabad buuxda uga dhalino gobolkeena. Waan hubaa inaan dhowaan ciribtiri doono Al Shabaab iyo kooxaha la midka ah’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in kooxaha argagixisada, sida Al Shabaab ay yihiin kuwo aan ku dhaqmin wax diin ah, falalkoodana ay yihiin kuwo ka dhan ah bani’aadamnimada, sida laga dheehan karo falkii dhowaan ay ku laayeen dad aan waxba galabsan oo ku sugnaa xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya, Uhuru Muigai Kenyatta, oo isna halkaasi khudbad ka jeediyay ayaa sheegay in imaatinka Madaxweynaha Soomaaliya ee xuskan uu ka tarjumayo sida labada dal ay uga mideysan yihiin la dagaalanka argagixisada, isagoo intaa ku darey inaan marnaba la isku dhiibi doonin argagixisada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Nigeria, Muhammadu Buhari, oo isna ka mid ahaa madaxdii lagu casuumay baroor-diiqda ayaa sheegay in caalamka looga baahan yahay inuu u midoobo la dagaalanka argagixisada iyo xagjirnimada.

Kulanka baroor-diiqda kadib ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu kulan gaar ah isla magaalada Eldoret kula yeeshay Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta. Kulankaasi ayaa labada hoggaamiye waxay kaga wadahadleen xiriirka labada dal, amniga gobolka iyo xoojinta iskaashiga ka dhexeeya labada waddan.

1 2 3

Previous Post

Madaxweynaha Kenya oo Sheegay in Ciidankiisu ay sii Joogi doonaan Soomaaliya

Next Post

Sweden oo 80 kun oo ruux ka musaafurin doono dalkeeda

Next Post
Sweden oo 80 kun oo ruux ka musaafurin doono dalkeeda

Sweden oo 80 kun oo ruux ka musaafurin doono dalkeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Wakiillada Beesha Caalamka ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Madaxweynaha JFS oo Golaha Mustaqbalka ku casuumay kulan wadatashi ah

May 2, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud isaga oo ka duulaya kulamadii iyo wada-tashiyadii gaarka ahaa ee uu muddooyinkii...

Ku-simaha Wasiirka Shaqada XFS oo ka qeybgashay Xuska Maalinta Shaqaalaha

Ku-simaha Wasiirka Shaqada XFS oo ka qeybgashay Xuska Maalinta Shaqaalaha

May 2, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, ahna Wasiir ku xigeenka wasaaradda, Xildhibaan Aamina Xuseen Cali ayaa maanta magaalada...

Munaasabad lagu xusayay 1-da May oo lagu qabtay Muqdisho

Munaasabad lagu xusayay 1-da May oo lagu qabtay Muqdisho

May 2, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabatay munaasabad si heer sare...

Dowladda Soomaaliya oo ammar ku bixisay in laga guuro dhulka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

Dowladda Soomaaliya oo ammar ku bixisay in laga guuro dhulka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

May 2, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa si faahfaahsan u sheegay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In